Ilaa haatan ma istaagin hadal heynta ku aadan qaabkii Mesut Ozil looga diray kooxda Real Madrid wuxuuna xidigan ku biiray naadiga Arsenal oo 50-milyan oo euro ah ku iibsatay saacidihii ugu dambeeyay suuqa Yurub, maalmihii aan kasoo gudubnay go’aankii ay maamulka Madrid ku iibiyeen kubad sameeyahan waxaa dhaliileen qaar ka mid ah xidigaha Real sida Cristiano Ronaldo, Sergio Ramos, Alvaro Arbeloa, Sami Khedira iyo Karem Benzema, haatana waxaa ka hadleen arinta Thomas Muller oo weerarka kaga cayaaro naadiga Bayern Munich iyo tababaraha xulka Jarmalka Joachim Low labadan shaqsi ayaa ku tilmaameen qaabkii Ozil loola dhaqmay mid aan la aqbali karin.
Muller oo hadalka ku hormaray wuxuu yiri “Aniga hadii aan ahaan lahaa maamulka Real Madrid marnaba Ozil ma iibin laheyn, inkastoo Real isbadal lagu sameeyay macalin cusub iyo cayaartooy cusub hadana Ozil ma mudneyn in laga diro kooxdii uu jeclaa inkastoo haatan waxba ka halaabin mustaqbalkiisa cayaareed madaama uu ku biiray naadi magac weyn sidoo kalena jaceel u qabaan isaga!” tababare Low oo ah shaqsigii Ozil soo bar baariyay sidoo kalena caalamka baray ayaa isna arintan aduunyada wada hadal hayaan ka hadlay wuxuuna yiri “waan la yaabay markii aan ogaaday in Madrid xidigeedii ugu wanaagsanaa ay iska iibisay waana arin micno badan ku fadhiyo balse Ozil inuu Arsenal ku biiro xitaa xulka Jarmalka ay faa’iido weyn ugu jirtaa madaama naadigan ay tahay koox farsamo wanaagsan”
Waxaa Aqrisay: (200)
Mogadishu - Somalia