Home » Maxaa Cusub » Thierry Henry Oo La Taliyay Tababare Roy Hodgson Ka Hor Kulanka Italy

Thierry Henry Oo La Taliyay Tababare Roy Hodgson Ka Hor Kulanka Italy


Henry

Halyeeygii hore kooxda Gunners iyo Xulka Faransiiska ayaa talo turxaan baxsan siiyay tababaraha xulka England Roy Hodgson ka hor kulanka ay caawa saqda dhexe xiliga geeska Afrika la leeyihiin xulka Talyaaniga oo uu xifaaltan aad u baahsan kala dhaxeeyo.

England ayaa ku fashilantay iney wax muuqaal qurxoon ka sameyso koobkii Euro wareegiisa Quater Finalka markii rigoorayaal lagu reebay balse haatan waxey wataan wiilal da’yar oo wacdaro kasoo dhigay Premier League.

Sidaas darteed Thierry Henry ayaa la hadlay tababare Roy Hodgson isagoo ugu baaqay inuu kusoo bilaabo Sterling hadii uu doonayo inuu qaarijiyo camaaliqada Azzurri.

Thierry Henry ayaa Sterling la barbardhigay Michael Owen kaas oo 1998-dii dhigay wacdaro layaab leh isagoo da’yar wuxuuna Henry aaminsan yahay in Sterling uu dhigi karo wixii uu dhigay Owen.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan safka hore ku arko Sterling” Ayuu Henry u sheegay BBC.

Thierry Henry ayaa xulkiisa ka caawiyay iney ku guuleystaan koobkii Euro 2000, isagoo ka mid ahaa wiilashii France u qaaday sidoo kale koobkii Aduunka ee 1998-dii.

Thierry Henry hada wuxuu ku sugan yahay Brazil isagoo ka mid ah kooxda BBC-da ee howlaha shaqo u jooga gudaha Brazil iyagoo soo tabinaya koobka Aduunka.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close