Wixii la sugaabaa halyeey Thierry Henry ayaa si rasmi ah u bilaabay adeegsiga barta Twitter-ka oo ah hoy ay bulshada caalamka afkaartooda isku dhaafsato waxaana la yaab noqotay in sedexdii saac ee ugu horeesay oo u Henry adeegseenaayya Twitter-ka inuu ku kasbaday 16,000 oo taageero ah! halyeegan oo ah laacibka ugu goolasha badan taariikh ahaan kooxda Arsenal sidoo kalena lagu tilmaamo weeraryahankii ugu wanaagsanaa ee Premiership-ka kasoo muuqdo, Henry muuqaalkii ugu horeeyay eee uu barta Twitter-ka soo galiyay waxaa durbadiiba faalo ka bixiyeen 12,000 oo qof sidoo kalena siweyn ayay ugu soo dhaweeyeen adeegsiga aaladan hormartay.
36-jirkan u dhashay dalka France waxaa Twitter-ka kusoo dhaweeyay Cesc Fabregas oo ay Arsenal u wada cayaari jireen sidoo kalena waxaa kusoo dhaweeyay Robin Van Persie oo isagana Gunners-ka u cayaari jiray balse haatan Man United ka tirsan, Henry ayaa ka mid noqon doono koox wariyeyaal oo ah oo BBC usoo tabin doonaan cayaaraha aduunka sidaa darteed halyeegan ayaa doonayo inuu xiriir toos ah la sameeyo bulshada caalamka oo idil inta uu koobka aduunka ka socon doono dalka Brazil, Thierry Henry ayaa dar dar kusoo galay Twitter-ka waxaaa hubaal ah hadii uu sidaan kusii socdo inuu ka mid noqon doon shaqsiyaadka ugu shacbiyada badan marka ay timaado adeegsiga alaadada Twitter-ka wuxuuna ka taageero badnaan doonaa xidigo haatan weli kubada cagta cayaaraan.