Home » Horyaalada » La liga » Thiago Silva “Zlatan Wuu Ka Mud Yahay Ballon D’Or Messi Iyo Ronaldo”…

Thiago Silva “Zlatan Wuu Ka Mud Yahay Ballon D’Or Messi Iyo Ronaldo”…

Thiago Silva (PSG)

Kabtanka xulka Brazil Thiago Silva ayaa aaminsan in saaxiibkiis Zlatan Ibrahimovic uu sanadkan mudan yahay ku guuleysiga abaal marinta FIFA Ballon d’Or wuxuuna daafaca reer Brazil sheegay in Zlatan haatan uu ka mudan yahay abaal marintan xitaa labada cayaaryahan ee aduunka ugu wanaagsan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo wuxuuna daafaca kooxda PSG sheegay in Zlatan uu haatan taagan yahay maqaam lagu siin karo abaal marinta ugu qaalisan kubada cagta wuxuuna yiri “madaama aan ahay qof jecel kubada cagta waxaan taageero u ahay Zlatan waana hubaa inuu ka mid noqon doono 3-cayaaryahan ee isugu soo hari doonaan musharaxnimada Ballon d’Or inkastoo ay aad u adag tahay inuu ku guuleesto abaal marintan hadana waxaan aaminsanahay inuu ka mudan yahay Messi iyo Ronaldo!”

29-jirkan oo la hadlaayay Sky Italia ayaa sheegay in Zlatan uu aqoon xeel dheer u leeyahay wuxuuna yiri “tan iyo markii aan Milan isla joognay ayaan Zlatan garanaayay tayada uu leeyahay balse maanta heerkiisii ugu sareeyay ayuu joogaa wuxuuna mudan yahay in dadaalkiisa lagu abaal mariyo” 15-ka bishan oo ku beegan jimcada nagu soo fool leh ayaa si rasmi ah loo xiri doonaa codeyna ku aadan 3-cayaaryaah ee isugu soo hari doonaan abaal marinta FIFA Ballon d’Or waayo 23-ka cayaarayahan ee u sharaxan abaal marintan ayaa kala saarirs lagu sameyn doonaa hadaba Zlatan ma calfan doonaa inuu ka mid noqdo sedexda xidig ee horaanta sanadka cusub la tartansiin doono.


Waxaa Aqrisay: (120)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>