Home » Maxaa Cusub » Thiago Silva Oo Doonaya In Brazil & France Ay Isku Arkaan Finalka Koobka Aduunka

Thiago Silva Oo Doonaya In Brazil & France Ay Isku Arkaan Finalka Koobka Aduunka


Silva

Kabtanka Xulka Brazil Thiago Silva ayaa jeclaan lahaa in xulalka Faransiiska iyo Brazil ay isku yimaadaan Finalka Koobka Aduunka sanadaan kaas oo bartamaha bisha June ka dhici doona isla Brazil.

Brazil ayaa ah wadanka ugu badan ee tartankaan ku guuleystay madama ay shan jeer noqdeen horyaalka aduunka, Si Kastaba labadii tartan ee ugu dambeysay xulka Brazil wuxuu ku haray wareega Quater Finalka Netherlands iyo France ayaana labadaba reebay inkastoo sanadaan ay ku jiraan wadamada loo saadalinayo koobka Aduunka.

29-jirka daafaca dhexe kaga ciyaara xulka Brazil ahna kabtanka xulka ayaa ku faraxsan in xulka Faransiiska ay isaga hor yimaadan finalka Koobka Aduunka isagoo doonaya inuu ka aarsado foolxumadii 1998-dii ay France ku dhigtay Brazil koobkii Aduunka ee lagu qabtay isla France waqtigaas sidoo kalana uu finalka ku arko saaxiibkii.

“Riyadeyda ugu dambeysa? Brazil oo finalka gaarta, waxna kama qabo qofkii ka hor yimaada” ayuu Silva u sheegay La Parisien, “Hadii Finalka uu noqdo Brazil iyo Spain, waa inaan ku celinaa casharkii aan ugu dhignay Confederation Cupkii sanadkii tagay ee 3-0 ahaa”

“ama Brazil & Germany ama anaga iyo Italy, Ugu dambeyntii aniga ahaan madama aan faransiiska ku ciyaarayay sanad dhan waxaan jeclaan lahaa inaan Finalka ku aragno ayaga”

“Miyaan jeclahay inaan la midoobo Matuidi? Haa aad ayey u wanaagsanaan laheyd inaan fursad u helo ka aargudashada dhibaatadii 1998-dii finalkii koobka Aduunka”

“Waxey inoo aheyd guuldaro weyn, dhacdadaasna kama go’in maskaxda dadyowga reer Brazil”

 

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close