Home » Horyaalada » Bundesliga » Thiago Alcantara Oo Kusoo Laabtay Xerada Tababarka Kooxda Bayern Munich

Thiago Alcantara Oo Kusoo Laabtay Xerada Tababarka Kooxda Bayern Munich


fcb_training_alcantara_628

Thiago Alcantara ayaa dib ugu soo laabtay xerada tababarka kooxda Bayern Munich kadib mudo afar todobaad ah oo uu dhaawac ku maqnaa kulankii Hoffenheim ayuu dhaawac kasoo gaaray.

22-jirkaan heerka caalami ee xulka Spain ayaa la badalay daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta kadib markii dhaawac dhanka jilibka ah uu soo gaaray waxaana la rajeynayay inuu ka maqnaado garoomada mudo lix ilaa sideed isbuuc ah.

Si kastaba Thiago Alcantara ayaa sameeyay soo kabsasho deg-deg ah ka hor kulanka lugta labaad ee Champions League ay kooxdiisa la ciyaari doonto Real Madrid todobaadkaan.

Kalya farxada soo noqoshada Alcantara ayaan ku ekeen Pep Guardiola ee sidoo kale tababaraha xulka Spain Vincent Del Bosque ayaa war farxad leh u arka hadalka kasoo yeeray Bayern Munich.

Bayern Munich ayaa website-ka ay garka u leedahay kusoo shaacisay dib usoo noqoshada Thiago.

Soo Noqosho Wanaagsan Thiago

Thiago Alcantara ayaa bilaabay tababarka kooxda markii ugu horeysay mudo afar isbuuc ah kadib dhaawicii kasoo gaaray jilibka

Thiago wuxuu dhameystay laba tijaabo oo dhanka tababarka ah sida uu xaqiijiyay Thomas Wilhelmi

Thiago Alcantara ayaa kusoo biiray Bayern Munich xagaagan isagoo saftay 28-kulan una dhaliyay kooxdiisa 5-gool.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close