Macalinka Kooxda Barcelona Gerardo Martino ayaa qabtay shir jaraa’id oo dhinacyo badan taabanaya isla markaana uu kaga hadlay arimo dhowr ah oo quseeya Kooxda Barcelona, xili Barcelona ay bandhig aan wanaagsaneyn soo bandhigtay labadii kulan ee ugu dambeeyay.
Gerardo Martino ayaa ka hadlay Xaalada Lionel Messi isagoo sheegay In Lionel Messi uu door muhiim ah ku lahaa kooxdiisa, isla markaana uu rajeynayo inuu soo bogsoodo xili, dhaw.
“Ma U Maleynaayo in koox ay u ciyaari karto si wanaagsan iyadoo uu ka maqan yahay xidiga ugu wanaagsan aduunka, waa inaan cadeynaa lama qarin karo waxa dhashay kadib dhaawaca Lionel Messi” ayuu yiri macalin Gerardo Martino.
“Waa Inaan sameyno wax ka badalan taa oo ah inaan u ciyaarno si wanaagsan Messi oo ka maqan garoonka”
“Waxaa Jira qol loogu tala galay in la isku hormariyo [Qolka Labiska] la iskugu sheego wax walba oo ka horeeya kulanka, lagu wadaago fikradaha la iskuna booriyo wax walba oo ka hortag mudan”
“Ma rabo iney soo noqo-noqoto midaan oo kale mana rabo in Barcelona loo dareemo koox ku dhisan kaliya nafsadda Messi” ayuu Gerardo Martino si caro leh u yiri intii lagu guda jiray shirkii Jaraa’id
Dhanka Kale Gerardo Martino ayaa cadaadis saaray neymar isagoo sheegay inuu badali waayay Messi, isla markaana uu ku fashilmay inuu buuxiyo Booska xidigaas inta uu dhaawaca kaso bogsoonayo, wuxuuna u sheegay inuu mar walba muujiyo awood dheeraad ah oo u sahli karta inuu ku daydo Messi.
“Neymar wuxuu mar walba isku dayaa inuu qabto shaqo wanaagsan, shaqsi walbana wuxuu leeyahay dadaal u gooni ah, waana in qof walba oo Barcelona ka tirsan uu sameeyaa dadaal nafsaani ah” ayuu yiri macalinkii hore kooxda Newell’s Old Boys.
Sidoo Kale Gerardo Martino ayaa ka hadlay xaalada soo laabashada Charles Puyol iyo waxa ay ka badali karto daciifnimada kooxda dhanka daafaca wuxuuna yiri:
“Wuxuu iila muuqdaa shaqsi wanaagsan, waxaan la hadlay waaxda caafimaadka waxeyna ii shegen inu dhawan caafimadi doono, waxanse aaminsanahay inuu wax badan oo la taaban karo ka badali doono daafaceena”
Gerardo Martino ayaa ka hadlay mar kale xaalada Alexis Sanchez kaas oo xiligaan dambe ku fashilmay inuu wax badan ka qabto weerarka Barcelona isagoo sheegay in xidigaan uu u muuqdo mid gaabiyay balse uu wax ka badali doono sida uu rajeynayo kubadiisa.
Ugu dambeyntii Gerardo Martino ayaa ka hadlay mustaqbalka wiilka yar ee Barta la yiraahdo kaas oo uu ku sheegay wiilka kaliya ee ay u baahan tahay Barcelona wuxuuna intaas ku daray inuu siin doono jaanis uu kula qabsado naadiga.
Shirkaan jaraa’id ee uu qabtay Gerardo Martino ayaa digniin u noqon doonta Xidigaha Barcelona, isagoo sheegay inuusan u dulqaadan doonin xaalad walba oo xun oo soo wajahda Kooxda.
Waxaa Aqrisay: (174)
Mogadishu - Somalia