Home » Horyaalada » La liga » Tata Martino: Barcelona Kama Cabaneyso Ciyaarta Fowdada Ah Ee Real Madrid Kulanka Caawa

Tata Martino: Barcelona Kama Cabaneyso Ciyaarta Fowdada Ah Ee Real Madrid Kulanka Caawa

Barcelona not afraid of Madrid 'violence', says Martino

Macalinka kooxda Barcelona Geraro Martino ayaa shaaca ka qaaday in wiilashiisa aysan cabsi ka qabin iney dhibaateyn kala kulmaan Real Madrid marka ay caawa Camp Nou soo booqdaan isagoo intaas ku daray in garsooraha uu xakameyn doono wax walba oo ka yimaada dhanka Madrid.

Labadii kulan ee ugu dambeysay ee Horyaalka ay ku kulmaan xili ciyaareedkii hore ayaa la bixiyay 16-Jaale iyo 1-Rooso taasoo ka dhigan sida uu kulankaan saameyn u leeyahay.

Martino ayaa xaqiijiyay in fowdada Real Madrid aysan saameyn ku yeelan doonin xidigaha Barcelona sidoo kalana wuxuu sheegay ineysan hoos u dhigi doonin dhaq-dhaqaaqa Lionel Messi.

“Miyaan ka cabsanayaa fowdada Real Madrid? Maya naadi walba wuxuu ciyaaraa qaab ciyaareedkiisa, waxaana jira garsoore maamuli doona” ayuu yiri Martino

“Markii aan Paraguay macalinka u ahaa waxaan wajahay Lionel Messi sadex jeer isago xira maaliyada Argentina, balse nooma suuragalin inaan celino, waxeyna ku xiran tahay maalinta uu joogo”

Macalinkii hore Kooxda Newell’s Old Boys ayaa shaaca ka qaaday in Fabregas, Xavi iyo Iniesta ay yihiin wiilal aan caadi aheyn kuwaas oo ciyaari kara boos walba oo khadka dhexe ka mid ah wuxuuna sheegay in sidoo kale aysan dhibaato u arki doonin barbardhicii Osasuna iyo sidoo kale Milan.

50-Jirkaan ayaa sheegay in uu rajeynayo guul markiisii ugu horeysay kulanka El-Clasico inkastoo dhigiisa Angelotti uu ciyaarayo kulankiisii ugu horeeyay El-Clasico.

Barcelona iyo Real Madrid ayaa ciyaari doona 7:00 Saacada Geeska Africa (SGA)


Waxaa Aqrisay: (378)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>