Koob loogu tala galay isdhexgalka bulshada ayaa lagu soo gabagabeeyay xaafada Waxar Cadde ee dagmada Heliwaa shalay koobkaas oo loogu magac daray (Kaa Dheeri Championship) waxana kazoo qeyb galay 8-kooxood oo kakala yimid dagmooyinka gobolka banaadir.
Tartanka oo ahaa mid xiiso badan waxaa soo qabanqaabiyay Gudoomiye Cali Baashi, Cabdi Xasan Shiikha iyo Shabaqa caateeye. Hardan fara badan kadib waxaa finalka isugu soo haray koxaha Kaadheeri F.C. iyo Mustaqbal waxaana waqtigii loogu tala galay kusoo dhamaatay 3-3, waxaana rigoorayaal 2-1 ku qaaday kooxda F.C. Kaadheeri.
Waxaana koobkii la gudoonsiiyay kooxdii ku guuleysatay ee Kaadheeri F.C. Waxeyna goolasha ka heshay C/wali Caateeye iyo Xasan Mukhtaar. Xafladii kooxda lagu gudoonsiinayay koobka waxaa ka hadlay gudigii soo qabanqaabiyay tartanka iyo Tababaraha kooxa Cabdi xasan oo loo yaqaano Tabis wuxuuna u mahad celiyay kooxihii kazoo qeyb qaatay tartankaan.
Sidoo kale Maamulkii soo qabanqaabiyay tartanka ayaa ka dhawaajiyay iney qabanayaan tartan kale isdiiwangalinta ay socoto looguna talo galay kooxo cayiman.
Ma ahan markii ugu horeysay oo tartan nuucaan oo kala ah lagu qabto Xaafada Waxarcadde ee dagmada Heliwaa waxaana jiray tartamo badan oo ay horay u qabanqabiyeen dhalinyarada xaafaddaas.