Home » Maxaa Cusub » Talyaaniga Oo Heli Doona Sadex Waji Oo Cusub Kulanka Costa Rica Kuwaas Oo Maqnaa Dagaalkii England

Talyaaniga Oo Heli Doona Sadex Waji Oo Cusub Kulanka Costa Rica Kuwaas Oo Maqnaa Dagaalkii England


azzurri 2

Thiago MottaIgnazio Abate & Gianluigi Buffon ayaa diyaar u ah kulanka caawa ay Talayanigu la ciyaari doonaan Costa Rica kuwaas oo dhamaantood waayay dagaalkii cuslaa ee ay Ingiriiska la galeen kulankii furitaanka Groupka D ee Koobka Aduunka.

Sadexdaan xidig ayaa dhaawac ku seegay kulankaas balse tababare Cesare Prandelli ayaa xaqiijiyay tam ahaanshaha sadexdaan xidig waana war wanaagsan oo usoo yeeray talyaaniga.

Giorgio Cheillini ayaa caawa laga badali doonaa booskii uu ciyaaray kulankii Ingiriiska isagoo daafaca dhexe ka badali doona Paleta waxaana booskiisa imaan doona Mattia Demian oo daafaca bidix ciyaari doona halka midigta uun ciyaari doona Abate.

Thiago Motta ayaa isna dhexda ka badali doona Marco Verratti kaas oo dhexda la wadaagi doona De Rossi & Pirlo waxaana weerarka la filayaa iney iska kaashadaan Balotelli & Candreva iyo Marchisio.

azzurri

Line Upka Macquulka Ah Ee Azzurri

Italy (4-1-4-1): Buffon; Abate, Barzagli, Chiellini, Darmian; De Rossi; Candreva, Motta, Pirlo, Marchisio; Balotelli

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close