Tababaraha xulka Brazil Luiz Felipe Scolari ayaa ugu dambeyntii afka kala furtay wuxuuna ka hadlay dambiga looga heesto dalka Portugal kaasi oo ah inuu canshuuraad badan la dhuutay xiligii uu xulka Portugal macalinka u ahaa, inkastoo baaritaan uu haatan socdo hadaba Scolari ayaa sheekadan ka aamusi waayay madaama uu diidan yahay in la carqaladeeyo diyaar garowga uu macalinkan ugu jiro inuu xulka Brazil u hogaamiyo koobka aduunka wuxuuna yiri “Hadii baaritaankan uu yahay mid la isku haleen karo sidoo kalena shaqsi xogtiisa la baarayo maxaa ka dhigay inuu noqdo mid wargesyada lagu soo qoro ama dambiile laga dhigo qof aan weli waxba lagu cadeynin!”
Scolari aya lagu eedeeyay inuu la dhuuntay lacago canshuur ahaan looga rabay oo lagu sheegay $9.6m intii uu xulka Portugal macalin u ahaa 2003 ilaa 2008 waxaana sheekadan daaha laga rogay dhawaan balse macalinkan waaya araga ah ayaa isku kalsoon wuxuuna sheegay inuusan dambiile ahayn sidoo kalena arinkan lagu dhex wado qorshe kale wuxuua yiri “shaqadeyda ayaan sii wadan doonaa sidoo kalena diyaar garowga koobka aduunka marnaba kama habsaami doono hadii reer Portugal ay dacwad ii qaban way ila soo xariiri karaan balse maaro uma haayo warar ay maalin walbo saxaafada iska qoreyso”