Home » Maxaa Cusub » Tababare Sabella iyo Di Maria Oo Si Kala Gooni Ah Uga Hadlay Kulankii Ay Kasoo Gudbeen Switzerland

Tababare Sabella iyo Di Maria Oo Si Kala Gooni Ah Uga Hadlay Kulankii Ay Kasoo Gudbeen Switzerland



Argentina ayaa si nasiib lagu tilmaamay kaga soo baxday Switzerland wareega 16-ka iyadoo u gudubtay wareega 8-da ee koobka Aduunka kadib 120-daqiiqo oo ay ciyaareen labada xul, 2-daqiiqo ka hor dhamaadkii ciyaarta Angel Di Maria ayaa soo afjaray nolosha Swiss markii uu caawinaad ka helay Lionel Messi.

Tababare Alejandro Sabella ayaa ka hadlay guushii ay xulkiisu gaareen isagoo ku tilmaamay nasiib.

“Qeybta hore ee ciyaarta wey naga gacan sareeyeen Swiss, wuxuunaa ahaa kulan xoog badan”

“Nasiib ayey aheyd inaan garaacno Swiss” Ayuu yiri tababare ALejandro Sabella ka dib kulankii Xalay.

Tababare Sabella ayaa la weydiiyay hadii uu xasuustay guushii rigoorada aheyd ee ay ka gaareen Engalnd wareegaan oo kale markii ay la ciyaareen England 1998-dii markaas oo uu caawiye u ahaa tababarihi xiligaas DanielPassarella.

“Tababare ahaan waxey aheyd culeys weyn oo garbaheyga saaran, balse nasiib wanaag 120-daqiiqo kadib waan guuleysanay”

Dhanka kale wiilkii Argentina usoo saaray wareega 8-da Angel Di Maria aya ka hadlay guushii uu usoo hooyay xulkiisa isagoo tilmaamay in Argentina ay u qalantay iney guul gaaraan.

“Waxan sameynay wax walba oo la sameyn karay” Ayuu u sheegay warfidiyeenada.

“Waxaan ka tagnay wadnaheena inagoo ciyaareynay waqti walba kubad wanaagsan, daqiiqad ma aanan nasan”

“Sababtoo ah waxaan rajeynayaa inaan u qalanay guushaas, waxey ila tahay inaan helany fursado badan, balse hal qalad ayaan sameynay oo ah kubad uu naga badbaadiyay goolhayaha”

Sidoo kale Di Maria ayaa goolkiisa u hadiyeeyay Xaaskiisa iyo Gabadhiisa yar ee ku sugan Brazil si ay u taageeraan isaga.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close