Tababarha Xulka England Roy Hodgson ayaa magacaabay 23-ka xidig ee kaga qeyb galay koobka Aduunka isago ka tagay xidigo badan inkastoo xaalada ugu adag ay soo wajahday daafaca bidix ee kooxda Chelsea Ashley Cole oo markii laga tagay shaaca ka qaaday inuu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah.
Sidoo kale Seefta Roy Hodgson ayaa la tagtay xidigo heysta fursado yaryar kuwaas oo ah keyd laga yaabo iney fursad u helaan iney aadan Brazil hadii xidig ka mid ah 23-kaas xidig uu dhaawacmo, waxaana xidigahaas ka mid ah:John Ruddy, John Stones, Jon Flanagan, Nathaniel Clyne, Michael Carrick, Tom Cleverley, Jermain Defoe.
7-daan xidig ayaa nasiib u yeelan doona iney aadan Brazil hadii ay dhibaato soo gaarto xidigaha 23-ka ah ee lo xushay xulka Sadexda Libaax.
Liiska Rasmiga ah ee Xulka England:
Goolhayeyaal: Joe Hart, Ben Foster, Fraser Forster.
Daafacyada: Glen Johnson, Leighton Baines, Luke Shaw, Gary Cahill, Phil Jagielka, Phil Jones, Chris Smalling.
Khadka Dhexe: Frank Lampard, Steven Gerrard, Jordan Henderson, Raheem Sterling, Adam Lallana, Jack Wilshere, Ross Barkley, James Milner, Alex Oxlade-Chamberlain.
Weerarka: Wayne Rooney, Daniel Sturridge, Danny Welbeck, Rickie Lambert.
Liiskaan kooxda ugu badan waa kooxda Liverpool oo ku yelatay Shan Xidig Halka Man United ay ku leedahay 4-xidig, Chelsea ayaa ku leh 2-xidig oo qura, Everton ayaa ku yeelatay 3-Xidig, Arsenal 2-xidig, Man City 2-xidig, Southampton 3-xidig.
Koobkaan Aduunka waxaa dhaawac ku seegaya Jay Rodriguez iyo Theo Walcott,