Ikastoo kooxda Liverpool jawigeeda xasilooneyn madaama kooxdan qarka u saaran tahay ina ku guul dareesato hanashada EPL, hadana macalin Brenden Rodgers waxaa lagu amaanay dadaalka uu xili cayaareedkan sameeyay iyo sida uu kooxda Liverpool dib ugu soo celiyay safka hore ee Premiersip-ka sidaa darteed macalinkan dhalinta yar waxa maamulka Reds ku abaal marin doonaan in laga saxiixo heshiis 4-sano ah kaasi oo u ogolaan doono Rodgers inuu Anfield baaqi kusii ahaado ilaa sanada 2018 sidoo kalena 41-jirkan waxaa loo sheegay inuu hore usii socdo sidoo kalena uu dhiso naadi awood badan taasi oo xili cayaareedka dambe ku guuleesan karto koobka horyaalada Yurub iyo EPL.
Dadaalka Rodgers uu sameeyay waxaa xili cayaareedkan laf dhabar u ahaa Jordan Henderson oo Liverpool u saftay 34-kulan oo xariir ah Premiership-ka sidoo kalena tan iyo markii uu xili cayaareedkan bilaawday cayaar wanaag soo bandhigaayay weliba markii Reds xidigan 3-kulan laga ganaaxay ayay horyaalka hogaankiisa lumisay sidaa darteed 2-jirkan ayaa aqbalay heshiis 4-sano oo dheeri ah oo ay maamulka sare usoo bandhigeen sidaa darteed mudo dheer ayuu Reds kasii mid ahaan doonaa, Liverpool sanadii 2011 ayay Henderson £18million kaga soo iibsatay naadiga Sunderland inkastoo bilawgii noloshiisii hore ee garoonka Anfield iuu gaabis ku yimid hadana xidigan ayaa dhabar adeegay wuxuuna xili cayaareekdan kusoo baxay hogaamiye aysan Liverpool ka maarmin.