Home » Maxaa Cusub » Tababare Roberto Mancini Oo Beeniyay Inuu Qaban Doono Xulka Talyaaniga

Tababare Roberto Mancini Oo Beeniyay Inuu Qaban Doono Xulka Talyaaniga


Mancini

Roberto Mancini ayaa loo badinayay inuu qaban doono xilka tababaranimo ee xulka Talayaniga kadib markii Prandelli uu xilka ka dagay kadib markii wiilashiisa ay awoodi waayeen iney u gudbaan wareega xiga ee koobka.

Macalinkii hore Galtasaray ayaa haatan shaqo la’aan ah kadib markii uu ka tagay shaqada kooxda reer Turkey, wuxuuna shaaca ka qaaday inuusan dooneyn shaqada xulka talyaaniga.

Mancini oo horay usoo tababray kooxaha Inter Milan, Fiorentina iyo Manchester City ayaa daaha ka qaaday inuusan qorshaha ugu jirin qabashada xilka xulkiisa balse uu ka warsugayo dalab kooxeed kaga yimaada kooxaha yurub.

Allegri iyo Spaletti ayaa ah labada shaqsi ee kusoo xiga xilkaan inkastoo saxaafad talyaaniga ay badi hadal heysay Mancini.

Go’aanka Roberto Mancini ayaa xaalada ku adkeyn kara xiriirka talyaaniga kuwaas oo u baahnaan doona iney si gaar ah uga fakaraan shaqsiga loo dhiibi lahaa xilkaan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close