Home » Maxaa Cusub » Tababare Massimiliano Allegri Muxuu Ka Yiri Wararka Arturo Vidal La Xiriirinaya Man United

Tababare Massimiliano Allegri Muxuu Ka Yiri Wararka Arturo Vidal La Xiriirinaya Man United


01-00243514000009

Massimiliano Allegri ayaa si rasmi ah u sheegay in mashiinka kooxda Juventus Arturo Vidal uusan kooxdan ka tagi doonin inkastoo saxaafada dalka England siweyn u hadal heyso in xidiga reer Chile uu ka mid noqon doono naadiga Man United ka hor inta uusan suuqa Yurub xirmin.

Macalin Allegri oo doonayo inuu xili cayaareedkan Juventus guulo dheeraad ah u horseedo ayaa ka hadal Vidal wuxuuna yiri “Arturo waa udub dhexaadka Juventus sidaa darteed wuu nala sii joogi doonaa dana kama lehin wararka ay saxaafada hadal heyso”

Kooxda Juve waxay dooneysaa inay difaacato Serie A-da dalka Talyaaniga oo caawo daaha laga rogi doono xili cayaareedkiisa 2014/15 sidaa darteed tababare Allegri ayaa sheegay in muhiimada kowaad ay siin doonaa caafimaadka Vidal balse aysan ku mashquulsaneyn wararka saxafada xidigan tayada wanaagsan ka qoreyso wuxuuna yiri

“Vidal tababar wanaagsan ayuu sameeyay maal mihii ugu dambeeya haatana jilibkiisa wuu wanaagsan yahay wuxuuna sameeyay hormar wanaagsan dabcan si joogto ah ayuu noogu cayaari doonaa xili cayaareedkan waxaana aaminsanahay inaan u baahanahay xidigan xili walbo”

Ugu dambeyntii macalinka reer Talyaani ayaa sheegay in xili cayaareedkan ay ku adkan doonto kooxdiisa inay difaacato Serie A-da balse wuxuu balan qaaday inuu xili cayaareedkan koob muhiim ah qaadi doono.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close