Home » Maxaa Cusub » Manuel Pellegrini Oo Shaaciyay Xiliga Uu Garoomada Kusoo Labanayo Yaya Toure

Manuel Pellegrini Oo Shaaciyay Xiliga Uu Garoomada Kusoo Labanayo Yaya Toure


Yaya

Inkastoo horey shaaca looga qaaday in xidiga ugu muhiimsan kooxda Man City Yaya Toure uu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan labo todobaad sidoo kalena uu kulamo dhowr ah seegi doono hadana macalinka Man City Manuel Pelligrini ayaa saxaafada u sheegay in xidigiisa tayada wanaagsan uu kasoo hormaray waqtigii loo qabtay sidoo kalena uu haatan diyaar u yahay inuu ka qayb qaato kulanka City wajihi doonto naadiga Crysyal Palace ee ka tirsan Premiership-ka England wuxuuna macalinka reer Chile yiri “Nasiib wanaag Yaya dhaawacii uu qabay wuu kasoo kabtay waxaana rajeynaa iuu kulanka Crystal Palace safan karo inkastoo aan rabin inaan ka hor dhaco xaalada Yaya oo haatan soo kabtay”

Macalin Pelligrini ayaa aad uga walaacsan xidigaha faraha badan ee kooxdiisa dhaawac uga maqan xili ay Man City halgan ugu jirto ku guuleysiga Premiership-ka wuxuuna yiri “waan ka xumahay David Silva, Jesus Navas iyo Matija Nastasic waxayna dhamaantooda seegi doonaan kulanka Crystal Palace inkastoo aan baahneyn hadana waxaan ku qasbanahay inaan la’aantooda cayaarno kulamada xasaasiga ah ee nagu soo wajahan” ugu dambeyntii macalin Manuel Pelligrini wuxuu saxaafada u sheegay in weeraryahankiisa Sergio Aguero uu kusoo laabtay sidiisii hore madaama uu todobaadkii hore gool dhaliyay sidoo kalena xidiga reer Argentina si joogto ah kooxdiisa uga dhex muuqanaayay kulamadii ugu dambeeyay.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close