Tababaraha Brazil Luiz Felipe Scolari ayaa rajeynaya in Argentina ay isku wajahaan Finalka Koobka Aduunka hadii wiilashiisu ay soo gaaran kama dambeysta tartankaan.
Scolari ayaa u sheegay shaqaalihiisa tababarka inuu jeclaan lahaa in awooda xulalka reer Koonfurta Ameerika ay kasoo muuqato koobkan madama ciidooda lagu qaban doono isla markaana y 13-ka July kulmaan Brazil & Argentina.
Xulka Argentina sanadaan waa mid ka mid ah xulalka loo saadaalinayo ku guuleysiga koobka Aduunka wuxuuna Scolari rajeynaya in kama dambeysta ay isku arkaan.
“Argentina waa xulka aan jeclahay inaan Finalka isku aragno” ayuu Scolari yiri.
“Waxaan rajeynayaa in taasi dhacdo, inkastoo ay na horyaalaan dabeecado adag oo aan la dhayalsan karin weyna adag tahay in lasoo gaaro final balse hadiiba ay dhaceyso waa in Argentina ay iyana soo istaagto finalka”
Brazil ayaa kulankeeda ugu dambeysa ee ka hor koobka Aduunka la ciyaareysa caawa Xulka Serbia ka hor inta aysan khamiista soo socota kulanka ugu horeeya koobka Aduunka la ciyaarin Croatia.
saki
June 6, 2014 at 1:14 PM
no spain and argentine weeye finalku