Tababaraha Paris Saint Germain Laurent Blanc ayaa aaminsan in weeraryahanka reer Uruguay Edinson Cavani uu hogaamiye u noqon karo kooxda isla markaana uu sii heysan doono.
Shan kulan oo uu maqnaa hogaamiye Zlatan Ibrahimovic xidigii hore Napoli ayaa boorka iska jafay isagoo sadex kulan oo ka mid ah dhaliyay 6-gool, iyadoo ay ku jiraan labadii gool oo uu kooxda ugu qaaday koobka [Coupe de la Ligue].
Weeraryahankaan reer Latin America ayaa lala xiriirinayay kooxdaha Manchester United iyo Chelsea, balse Blanc ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka la xiriirinaya xidigaan inuu ka tagayo kooxda.
“Cavani wuxuu hogaamin karaa kooxda, waxaan filayaa inuu ahaan doono mi qanacsan”
“Waxaan leenahay hogaaiyayaal kale, sida Thiago Silva iyo Zlatan Ibrahimovic”
“Waxaan filayaa in sanadkaan ay kooxda sameysay wax badan oo aad loogu qanci karo”
Inkastoo kooxda laga soo reebay Champions League hadana PSG ayaa u dhaw iney hanato horyaalka Faransiiska markeedii labaad oo xiriir ah.