Home » Horyaalada » Bundesliga » Tababare Jurgen Klopp Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaa kala Socotaa?

Tababare Jurgen Klopp Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaa kala Socotaa?


Klopp

Dhawaan saxaafada dalka England waxay siweyn u hadal heesay in macalinka naadiga Dortmund Jurgen Klopp uu xagaagan hogaanka Man United la wareegi doono balse tababarahan dhalinta yar ayaa iska diiday sheekadan wuxuuna sheegay inuu Dortmund baaqi kusii ahaan doono, hadaba Klopp oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu awooda badan Bundesligaha Jarmalka ayaa shaaca laga qaaday hantida uu heesto iyo xogtiisa u gaarka ah, hadaba hoos kaga bogo:

Hantida Uu Heesto Lacag ahaan: £7.5 Million

Mushaar: 1.8 million EUR

Daqliga sanad walbo soo galo: £3.59 Million

Xiliga uu dhashay : June 16, 1967

Goobta uu ku dhashay: Stuttgart, Germany

Da’diisa: 46-sano

Magaca xaaskiisa: Ulla Sandrock ( wuxuu guursaday 2005), caruurtau joogto Sabine Klopp

Guulaha ugu caansan ee uu Klopp gaaray:

Jurgen Klopp waxaa lagu tilmaamaa macalinka ugu wanaagsan Bundesligaha Jarmalka madaama uu kooxda Dortmund ka dhigay naadi awood badan waxaana xusid mudan in sanadii 2008 markii Dortmund loo dhiibay ay kooxdan kaalimaha hoose ku jirtay sidoo kalena dhaqaalo xumo baahsan ay heesatay balse Klopp ayaa wax wabo hore u dhaqaajiyay waxaana la iloobi karin labo horyaal oo xariir ah uu Dortmund u qaaday sidoo kalena wuxuu ka dhigay koox si joogto ah tartamada Yurub uga qayb qaadato, hadaba guulaha uu gaaray waxaa ka mid ah:

2 jeer – German Bundesliga

DFB-Pokal 2011-12

DFL-Supercup 2013

UEFA Champions League kaalinta 2-aad – 2012-13

2 jeer – German Football Manager of the Year

Kaalinta 2-aad ” FIFA World Coach of the Year ” 2013


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close