Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa ku waramay inuu iska diiday dalab kaga yimid kooxda Real Madrid oo ay ku dooneyso maadalaaha reer Brazil Ramires.
Si Kastaba Dialy Mail ayaa iclaamisay in kooxda heysata horyaalnimada yurub ay daneyneyso 27-jirka reer Brazil ee khada dhexe kaga ciyaara Chelsea.
Mourinho oo xidigo dhowr ah ka doonaya Real Madrid ayaa laga soo dalbaday Ramires isagoo gaashaanka u daruuray wararka sheegaya inuu Real Madrid kala hadli doono arimaha Ramires.
Tababare Carlo Ancelotti ayaa ku waramay inuu la hadlay madaxweyne Florentino Perez isagoo weydiisanaya inuu soo xerogaliyo Ramires oo Chelsea ka tirsan iyo Luis Suarez oo ka tirsan Liverpool.
Sidoo kale Romelu Lukaku ayaa loo badinaya inuu ka tago kooxda Blues kuwaas oo lala xiriirinayo kooxo badan oo yurub ka dhisan waxaana haatan hogaamineysa Juventus oo dooneysa iney weerarkeeda xoojiso.
Si Kastaba tabbare Jose Mourinho ayaa u sheegay Real Madrid iney iska iloobaan wax walba oo ku saabsan Ramires hadiiba ay hami ka leeyihiin.
Profile