Ugu dambeynti tababare Jose Mourinho ayaa qirtay inuu guul dareesatay xili cayaareedkan 2013/14 wuxuuna macalinkan waaya araga ah ka dhawaajiyay in xili cayaareedkiisa gaabis weyn ku yimid sidoo kalena wixii laga filaayay dhankiisa la heli waayay, tababaraha reer Portugal ayaa saxaafada la hadlay ka hor kulanka ay Chelsea la cayaari doonto naadiga Norwich City wuxuuna yiri:
“Waxaan dareemayaa inaan xili cayaareedkan guul dareesanay gaar ahaan Champion-ka iyo Premiership-ka kubad wanaagsan kooxdeyda masoo bandhigin sidoo kalena guulo lagu qanci karo ma gaarin sidaa darteed xili cayaareedkan dhankeyda fashil ayaan ku dhameestay!!”.
Mourinho oo dib ugu soo laabtay galbeedka London bilawgii xili cayaareedkan mudo 6-sano kadib aya sidoo kale xaaalad muruguusen ka dhawaajiyay madaama uu sheegay tan iyo bilawgii xili cayaareedkan uusan kalsooni weyn kooxdiisa ku qabin wuxuuna yiri:
“Marar badan ayaan cabsi dareemay waxayna ila noqotay in xitaa sanadkan aanan ka mid noqon doonin 4-naadi ee ugu sareeyo Premier League balse nasiib wanaag Man United ayaa gaabis sidaa darteed dareenkeya ma qabo inaan koox awood badan xili cayaareedkan la imid” ugu dambeyntii macalin Jose Mourinho ayaa wacad ku maray in kooxdiisa Chelsea ay xili cayaareedka dambe soo laba kacleen doonto sidoo kalena koobab muhiim ah ku guuleesan doonto.