Home » Horyaalada » La liga » Tababare Diego Simeone Oo Filanaya In Diego Costa Uu Taam U Noqdo Kulanka Barcelona

Tababare Diego Simeone Oo Filanaya In Diego Costa Uu Taam U Noqdo Kulanka Barcelona


Costa

Weeraryahanka Atletico Madrid Diego Costa ayaa kasoo kabanaya dhaawac uu horay u qabay kaas oo seejiyay kulankii ay kooxdiisa 1-1 la dhaafi weysay todobaadkii hore kooxda Malaga kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Xidigaan Asal Brazilka ah balse qaatay dhalashada dalka Spain ayaa kusoo laabtay xarunta tababarka ee kooxda gaar ahaan qeybta jirdhiska isagoo sameynaya tababar u gaar ah.

Tababaraha reer Argentina Diego Simeone ayaa filanaya in xidigiisa uu ka qeyb qaato kulanka horyaalka lagu kala qaadan doono ee Camp Nou ku dhexmari doona A. Madrid iyo Barcelona.

Sidoo kale goolhaye Thibaut Courtois iyo Cristian Rodriguez ayaa dhaawacyo dhanka muruqa ah kasoo laabtay kuwaas oo aan qeyb ka aheyn kulankii barbardhaca ee Malaga.

“Wuu soo kabsanayaa waliba si fiican” ayuu yiri tababaraha reer Argentina, “Waan arki doonaa ilaa ka hor kulanka”

25-jirkaan heerka caalami ayaa dhaliyay 36-gool, 50-kulan oo uu saftay xili ciyaareedkaan dhamaan tartamada oo dhan waxaana la hadal hayaa in Chelsea ku biiri doono dhamaadka xagaagan.

Xidigii hore Valodollid iyo Celta Vigo kaas oo sidoo kale lagu daray liiska xulka Spain ee hordhac ahaanta loo sii shaaciyay.

 

 

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close