Tababaraha Xulka talyaaniga Cesare Prandelli ayaa difaacay go’aankii uu xulka qaranka kaga reebay weeraryahanka Fiorentina Giuseppe Rossi. Tababare Prandelli ayaa xulkiisa koobka Aduunka ku dhawaaqay xili Rossi uu ka maqan yahay wuxuuna shaaca ka qaaday in Rossi uu ogaa inaan ku dari doonin xulka qaranka ee aadi doona dalka Brazil:
“Waxey aheyd wax fudud inaan doorto Rossi balse waa qatar aad u weyn” Ayuu Prandelli u sheegay suxufiyiinta.
27-jirkaan heerka caalami ayaa dhaawac ku seegay koobkii Euro 2012 ee ka dhacay Ukraine & Poland inkastoo dhaawac dartii haatan looga reebay xulka madama uu 2-bilood garoomada ka maqnaa.
“7-dii May waxaan damcay inaan Rossi u sheego inuusan ka mid noqon doonin 30-ka xidig ee hordhaca ah, balse waxaan u arkay fariintaas iney ku noqoto mid u xun isaga, sidaas darteed ayaan ugu daray 30-keyga hordhaca ah, balse waxaan si cad ugu sheegay inuusan ka mid noqon doonin 23-ka xidig ee Brazil aadi doona” Ayuu Prandelli u sheegay Gazzetta dello Sport.
“Waan u sheegay isaga in go’aankaas uu xanuun yahay isagana uu yahay xidig layaab leh.
“Dhowr jeer ayaan ugu celiceliyay, anigoo leh kama mid noqon doontid 23-keyga xidig ee Brazil” ayuu mar kale yiri Cesare. Xulka Italy ayaa la ciyaari doona Luxembourg kulan saaxiibtinimo caawa ka hor koobka Aduunka oo ay group kula jiraan: England, Uruguay & Costa Rica.