Home » Maxaa Cusub » Tababare Cesare Prandelli Oo Heshiis Cusub U Saxiixa Xulka Talyaaniga

Tababare Cesare Prandelli Oo Heshiis Cusub U Saxiixa Xulka Talyaaniga


prandelli italy

Macalinka aysan ka maarmin xulka Italy Cesare Prandelli sidoo kalena xulkan dib u dhis xoogan ku sameeyay tan iyo markii 2010 uu la wareegay ayaa go’aankiisa badalay wuxuuna ogolaaday inuu xulkan sii leyliyo wixii ka dambeeyo koobka aduunka.

Tababarahan waaya araga ah ayaa horey u sheegay marka uu koobka aduunka soo idlaado inuu hogaanka Italy iska dhiibi doono sidoo kalena uu dhanka hogaaminta naadiyada kusoo laaban doono balse dadaal dheer oo ay sameeyeen xiriirka kubada cagta Italy waxaa u suura gashay inay Cesare Prandelli heshiis 2-sano ah ka saxiixaan.

Sidaa darteed macalikan wuxuu hogaanka Azzuri sii heyn doonaa ilaa sanada 2016 oo ka dhigan inuu xulkan u hogaamin doono Euro 2016 oo dalka France lagu qaban doono.

Giancarlo Abete oo ah gudoomiyaha xiriirka kubada ayaa cadeeyay heshiiskan wuxuuna yiri “ka raali ahaada dib u dhaca ku yimid inaan ka saxiixno heshiis cusub macalin Cesar balse ugu dambeyntii heshiis ayaan wada gaarnay waxaana kusoo beegnay shaacinta arinkan xili ku haboon wuxuuna Italy sii hogaamin doonaa ilaa Euro 2016″

Cesar Prandelli oo 56-jir ah sidoo kalena horey u leylin jiray kooxda Fiorentina ayaa dhankiisa u mahad celiyay xiriirka kubada cagta Talyaaniga madaama ay kalsooni buuxdo u muujiyeen wuxuuna macalinkan wacad ku maray inuu xulkan awooda badan uu koob muhiim ah u qaadi doono inta uu sii joogo doono wuxuuna kaloo hadalkiisa ku daray in haatan Italy ay heestaan fursad wanaagsan oo ay koobka aduuna ku qaadi karaan madaama uusan xulkan cadaadis saarneyn sidoo kalena aan afka lagu heynin marka lala bar bar dhigo Brazil, Spain, Germany iyo Argentina oo siweyn tartankan loogu sadaalinaayo xagaagan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close