Home » Maxaa Cusub » Tababare Arsene Wenger Oo Kooxdiisa Arsenal Heshiis Cusub Saxiixaya Dhamaadka Bishaan

Tababare Arsene Wenger Oo Kooxdiisa Arsenal Heshiis Cusub Saxiixaya Dhamaadka Bishaan


Wenger

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa la filayaa inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiissa dhamaadka bishaan May inkastoo kooxdiisa ay caawa la ciyaareyso kama dambeysta koobka FA Cupka dhigooda Hull City kulan ka dhici doona Garoonka Wembley ee magaalada London.

Warar is qilaafsan ayaa kasoo baxayay mudoyinkii lasoo dhaafay heshiiska cusub ee Wenger inkastoo dadka saadaaliya kubada cagta ay isku raaceen in Wenger uu ka tagi doono Gunners hadii ay ku guuldareysato iney ka baxdo abaarta koob la’aan ee heysata mudada 9-ka sano ah.

Si Kastaba 67-sano jirkaan reer France ayaa la filayaa inuu qandaraas sadex sano oo dheeraad ah u saxiixo kooxda ka dhisan Emirates taasoo ka dhigeysa inuu 21-sano ku sugnaan doono waqooyiga Magaalada London.

Tababare Wenger ayaa mugdiga ka saaray saadaasha ay bixinayaan dadka indha indheeya kubada cagta kuwaas oo aaminsan in Wenger uu mustaqbalkiisa la dhowrayo koobka FA Cupka.

“Mustaqbalkeyga Arsenal kuma xirna FA Cupka” Ayuu yiri Wenger oo rumeysan inuu kooxda lasii joogi doono sanado kale oo dheeraad ah.

“Ma noqon doonaa macalinka Arsenal xili ciyaareedka soo aadan? Haa waa wax iska caadi ah wali ma dhameystirin balse wey dhaceysaa’

XIGASHO:

Wenger

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close