Home » Maxaa Cusub » Tababare Arsene Wenger Oo Go’aan Ka Gaaray Mustaqbalkiisa Arsenal

Tababare Arsene Wenger Oo Go’aan Ka Gaaray Mustaqbalkiisa Arsenal


WENGER FA

Tababaraha Arsenal ayaa go’aan rasmi ah ka gaaray mustaqbalkiisa hawada marayay ee kooxda Arsenal kadib markii uu kooxda ka saaray abaartii koob la’aan ee heysatay kooxda mudooyinkii lasoo dhaafay kadib markii ay 3-2 kaga qaadeen koobka FA Cupka kooxda Hull City.

Gunners ayaa soo afjartay 9-sano oo aysan sameyn dabaal dag caalami ah inkastoo qeybtii hore lagaga naxsaday 2-gool oo dag-dag hadana ciyaarta ayaa noqotay in la isla gaaro 120-daqiiqo taasoo ugu dambeyn Arsenal siisay koobkii loo tattamayay.

Si Kastaba macalinkaan reer France Arsene Wenger ayaa go’aan rasmi ah qaatay oo u kusii joogayo waqooyiga London isla markaana uusan meelna uga socon.

“Mar walba waxaan dhahayay mustaqbalkeyga kuma xirna guushaan, balse waan doonayay inaan sugo, balse waan aragnay sida ay sheekada noqotay, waana joogi doonaa halkaan” Ayuu Wenger yiri.

Arsenal ayaa sido kale carbuunatay booskooda Champions League xili ciyaareedka soo aadan madama ay ku dhameysatay kaalinta Afaraad ee horyaalka.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close