Home » Maxaa Cusub » Tababare Antonio Conte Oo U Muuqda Inuu Ka Tagayo Kooxda Juventus

Tababare Antonio Conte Oo U Muuqda Inuu Ka Tagayo Kooxda Juventus


Conte

Tababaraha Kooxda Juventus Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday inuu indhaha ku hayo ka tagitaanka kooxda isla markaana uu u weecan doono meel kale kadib markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay kooxdiisa 1-0 kaga adkaatay xalayto kooxda kaalinta labaad ee As Roma.

Pablo Osvaldo oo horay ugu soo ciyaaray kooxda As Roma ayaa dhaliyay goolka qura ee kooxda Bianconerri ay ku dhaaftay Roma waliba daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta.

Juve ayaa leh haatan 99-dhibcood, waana rikoor laba gool ka badan kii ay sameysay sanadkii 2006-2007 kooxda Inter Milan oo xiligaas ku guuleysatay horyaalka Scudetto.

Antonio Conte ayaa sadex sano ku sugan magaalada Turin isagoo kooxda u qaaday sadex horyaal oo xiriir ah inkastoo uu ku fashilmay inuu wax uun ka sameeyo tartamada yurub ee Europa League iyo Champions League.

“Waan ku celinayaa sadexdii sano ee lasoo dhaafay waxey aheyd mid cajiib leh, waxaan u mahad celinayaa xidigihii gacanta iga siiyay inaan noqdo shaqsi la jecel yahay”

“Goor hore ayaan kooxda u sheegay waxa qorsheygu yahay, waxaana lakala cadeyn doonaa gor dhaw xaalada”

“Gabi ahaan wali ma aanan saxiixin heshiis, balse hadii fikrad wadaagu uu noqdo inaan baxo waan bixi doonaa, anigoo xushmeynaya kooxdeyda, anigoo qiimeyanaya Mashruucyo kale oo muhiim ii ah”

Hadalka Antonio Conte ayaa u muuqda mid uu ku cadeynayo inuu ka tagayo kooxda Juve, balse warar kasoo baxay dalka talyaaniga shalayto ayaa qeexay in Zinedine Zidane lala xiriiriyay xilka Kooxda Juve si uu Antonio Conte kaga badalo shaqada kooxda Torino ka dhisan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close