Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa shaaca ka qaaday in Super Star-ka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo uu taam u yahay inuu wajaho Atletico Madrid Finalka Champions League oo lagu balansan yahay inuu qabsoomo 24-ka May.
Kooxaha Ka dhisan Madrid ayaana ku xifaaltami doona caasimada Portugal ee Lisbon iyagoo wada ciyaari doona Finalka tartanka horyaalada yurub ee Champions League.
CR7 ayey dhaawacyo iyo nasiino la’aan hareysay mudooyinkii lasoo dhaafay isagoon muuqaal fiican ku yeelan sadexdii kulan ee lasoo dhaafay ee gabagabada u ahaa horyaalka Spain.
Balse macalinka reer Talyaani ayaa qiray in Ronaldo uu wajahi doono wiilasha Diego Simeone, sidoo kalana Karim Benzema uu isna taam yahay madama xidigaan uu muruqa xanuun ka sheegtay.
29-jirkaan reer Portugal ayaana doonaya inuu sii dhigo rikoor dheer oo gooldhalinta tartankaas ah madama uu haatan dhaliyay 16-gool.