Kooxda ka ciyaarta horyaalka faransiiska As Monaco ayaa ku dhawaaqday inuu shaqada ka tagay tababarahoodii reer talyaani
Monaco ayaa xili ciyareedkaan ku fashilantay iney ku guuleysato horyaalka iyadoo kaalinta labaad gashay madama PSG ay sanadkii labaad oo xiriir ah qaaday, balse
Madaxweynaha kooxda As Monaco Vasim Vasilyev ayaa shir jaraa’id ku xaqiijiyay in tababare Claudio Ranieri uu shaqada ka tagay, “Waxaan xaqiijinayaa in Ranieri uu shaqada ka tagay, waxaan qaadanay go’aan uu nooga tagayo”
“Waxaan jeclahay inaan Ranieri kaga mahadceliyo shaqadii wanaagsaneed oo uu ka qabay kooxda mudadii uu ku sugnaa” ayuu mar kale yiri madaxweyne Vasim Vasilyev.
Claudio Ranieri ayaa May 2012 qabtay xilka kooxda As Monaco waxeyna ka dhigan tahay in 2-sano ka dib uu ka tagay kooxda