Home » Horyaalada » Bundesliga » Tababaraha Xulka Jarmalka Oo Magacaabay Xigahiisa Koobka Aduunka U Matali Doonaan Wuxuuna Ka Tagay Laacibiin Caan Ah

Tababaraha Xulka Jarmalka Oo Magacaabay Xigahiisa Koobka Aduunka U Matali Doonaan Wuxuuna Ka Tagay Laacibiin Caan Ah


Germany

Tababaraha xulka Jarmalka Joachim Low ayaa si rasmi ah u magacaabay 30-cayaaryahan oo uu ugu tala galay inuu koobka aduunka u diyaariyo wuxuuna si rasmi ah u reeban doonaa 23-cayaaryahan oo 2- bisha June koobka aduunka xulka Jarmalka u matali doonaan sidaa darteed 30-xidig ee uu Low haatan magacaabay mudo bil kadib 7-cayaaryahan ayuu ka reebi doonaa wuxuua oga dan leeyahay hadii dhaawac ku yimaado mid ka mid ah xidigaha Jarmalka inuusan badalkiisa kasii fikirin, hadii aan usoo laabano xidigaha uu magacaabay macalinkan inta badan waa kuwii la filaayay inay Jarmalka koobka aduunka u matalaan balse weeraryahanka naadiga Fiorentina Mario Gomez ayaa liiskan iska waayay waxaana sabab looga dhigan maqnaan shihiisa in Gomez uu dhaawacyo xili cayaareedkan wareeriyeen sidoo kalena uusan koobka aduunka Jarmalka u matali karin hadii uu weli dhaawacan yahay.

Macalin Low liiskiisa wuxuu ku darsaday Sami Khedira oo dhawaan dhaawac kasoo kabtay balse weli xidigan garoomada kuma soo laabanin wuxuuna hawada ka  maqnaa ku dhawaac mudo 7-bilood ah, nasiib daro Ilkay Gundogan iyo Sven Bender labaduba Jarmalka uma cayaari doonaan madaama ay dhaawacyo halis ah garoomada kaga maqan yihiin, sidoo kale goolhaye Marc-Andre ter Stege o naadiga Barcelona iibsan rabto isaga waa laga reebay liiska xulka Jarmalka! Guud ahaan hoos kaga bogo 30-cayaaryahan ee uu tababare Low si rasm ah u magacaabay:

Goolhaye: Manuel Neuer (Bayern Munich), Roman Weidenfeller (Borussia Dortmund), Ron-Robert Zieler (Hannover)

Daafaca: Jerome Boateng (Bayern Munich), Erik Durm (Borussia Dortmund), Kevin Grosskreutz (Borussia Dortmund), Benedikt Howedes (Schalke), Mats Hummels (Borussia Dortmund), Marcell Jansen (Hamburg), Philipp Lahm (Bayern Munich), Per Mertesacker (Arsenal), Shkodran Mustafi (Sampdoria), Marcel Schmelzer (Borussia Dortmund)

Khadka dhexe: Lars Bender (Bayer Leverkusen), Julian Draxler (Schalke), Matthias Ginter (Freiburg), Leon Goretzka (Schalke), Mario Gotze (Bayern Munich), Andre Hahn (Augsburg), Sami Khedira (Real Madrid), Toni Kroos (Bayern Munich), Max Meyer (Schalke), Mesut Ozil (Arsenal), Bastian Schweinsteiger (Bayern Munich)

Weerarka: Miroslav Klose (Lazio), Kevin Volland (Hoffenheim), Lukas Podolski (Arsenal), Marco Reus (Borussia Dortmund), Andre Schurrle (Chelsea), Thomas Muller (Bayern Munich)


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close