Inkastoo shaki weyn horey loo galiyay in Cristiano Ronaldo uu xulkiisa Portugal koobka aduunka kala qayb qaadan doono hadana xarunta tababarka xulkan waxaa kasoo yeertay aqbaar farxad galisay taageerayaasha xulkan madaama macalin Paulo Pinto uu si rasmi ah u xaqiijiyay in Cristiano uu koobka aduunka ka qayb qaadan doono balse macalinkan ma uusan xaqiijin in Ronaldo uu safan karo kulanka ugu horeeyo oo ay Portugal la cayaari doonaan xulka Jarmalka.
Wargeska Marca ayaa shaaca ka qaaday in 28-jirkan baaritaan guud ay ku smaeeyeen dhaqaatiirta xulka Portuga sidoo kalena waxaa la xaqiijiyay in Ronaldo jilibkiisa midig uu xanuun ka qabo balse hadii uu nasto labo todobaad ku dhawaad xidigan koobka aduunka si rasmi ah ayuu uga qayb qaadan karaa.
Wargeska Marca ayaa sheegay in Ronaldo uu barar kaga jiro jilibkiisa sidoo kalena xidigan daal farabadan uu haayo warra kale ayaa sheegeen in Ronaldo la duri doono cirbado xanuun baabi’in ah inta uu koobka aduunka socdo balse warkaas waxaa beeniyay macalinka xulka Portugal wuxuuna yiri
“diyaar uma nihin inaan halis galino mustaqbalka Ronaldo sidaa darteed kuma dag dagi doono inaan ka qayb galino cayaarta noogu horeyso balse waxaan ka dareemay inuu si wanaagsan usoo kabanaayo sidoo kalena weli waqti dheer ayaan heesanaa waxaana hubaa inuu sanadkan naga caawin karo sidii aan meel wanaagsan kaga gaari laheen koobka aduunka inkastoo aaan ku jirno qayb aad u adag”