Macalin Vicente del Bosque wuxuu dhawaan si rasmi ah u magacaabay 30-cayaaryahan oo xulka Spain u matali doonaan koobka aduunka wuxuuna si rasmi ah FIFA ugu gudbin doonaa 23-cayaaryahan ka hor 2-bisha June ee nagu soo fool leh inkastoo uu magacaabay xidigo miisaan ku leh xulkan hadana taageerayaasha xulkan daacada u ah ayaa la imaadeen fikrad ka yaabisay macalin Del Bosque madaama ay dalbadeen inaan dalka Brazil loo wadin xidigaha reer Spain kuwaas oo Premiership-ka ka xamaashaan gaar ahaan Fernando Torres (Chelsea), Juan Mata (Man United), iyo Santi Cazorla (Arsenal) waxaa naga xasuusin ah in 8-cayaaryahan oo reer Spain ah kuwaas oo Premiership-ka England ka cayaaraan in macalin Del Bosque uu xulkiisa Spain ku darsaday balse 3-ka mid ah ayay dalbadeen taageerayaasha reer Spain inaan xagaagan dalka Brazil loo wadin. sidoo kalena aysan u qalmin inay Spain xiligaan u matalaan koobka aduunka.
Taageerayaasha reer Spain waxay codkooda ku dhiibteen wargeska AS ayagoo kula taliyeen macalin Del Bosque inay codsigooda tixgaliyaan sidoo kalena waxay 3-xidig ku tilmaameen kuwo xili cayaareedkan gaabis ku yimdi sidoo kalena aanan hormar wanaagsan sameynin sidoo kale taageerayaasha reer Spain waxay macalin del Bosque ku booriyeen inuu xulkiisa ku darsado Cesar Azpilicueta, David Silva iyo Jesus Navas inkastoo ay Premiership-ka ka cayaaraan hadana xidigahan taageerayaasha reer Spain dadaalkooda ayay la dhacsan yihiin, ugu dambeyntii taageerayaasha reer Spain waxay si toos ah wargeska AS ugu soo daabaceen 7-cayaaryahan oo ay jeclaan lahaayeen in xulka Spain laga reebo oo aysan ka mid noqonin 23-xidig ee Brazil u safri doonaan waxayna 7-xidig kala yihiin: Juan Mata, Santi Cazorla, David Villa, Fernando Torres, Alberto Moreno, Raul Albiol iyo Ander Iturraspe oo khadka dhexe Athletico Bilbao kaga cayaaro.