![Kop fans An Irish Liverpool fan is flying 10,500 miles for final league game without a match ticket [Irish Mirror]](http://i3.irishmirror.ie/news/irish-news/article3475749.ece/alternates/s615/Kop-fans.jpg)
Jariiradda Irish Mirror ayaa baahisay safar dheer oo uu soo galay taageere Liverpool ah oo lacag badan ku qarash gareeyay inuu yimaado Anfield si uu u daawado kulanka ugu dambeeya horyaalka ee ay kooxdiisa reds la ciyaari doonto Newcastle United si uu u arko Liverpool oo ku guuleysaneysa tartanka horyaalka walow aan la hubin.
Taageerahaan ayaa ku nool wadana Australia wuxuuna soo jaray masaafo dhan 10,500 Miles, wuxuuna ku bixiyay lacag dhan €1,200 iyo 60-saacadood si uu u arko Reds oo qaadeysa horyaalka Premier League kulanka 11-ka May dhexmari doona Newcastle iyo Liverpool.
Sheekada xiisaha badan leh ayaa ah in taageerahaan uusan heysan wax ticket ah oo uu ku galo ciyaarta waana sheeko aan u suuragalin karin inu ka qey galo kulankaan.
Taageerahaan ayaa lagu magacaabaa Trevor Hines Wuxuuna ahaa maamulaha Hotel ku yaala dalka Australia.
![MapJPG An Irish Liverpool fan is flying 10,500 miles for final league game without a match ticket [Irish Mirror]](http://i1.irishmirror.ie/incoming/article3476792.ece/alternates/s615/MapJPG.jpg)