Home » Maxaa Cusub » Stoke Oo Man City Meel Fadhiiso Dhehday Una Saarisay Guul Daro Xanuun Badan

Stoke Oo Man City Meel Fadhiiso Dhehday Una Saarisay Guul Daro Xanuun Badan


Stoke stun City

Xidiga reer Senegal Mame Biram Diouf ayaa kooxda Man City guuldaro xanuun badan dhabarka ugu saariyay garoonkeeda Etihad, inkastoo la wada filaayay in wiilasha macalin Manuel Pelligrini aysan u daahi doonin kooxda Stoke City hadana sheeko aan la fileyn ayay taageerayaasha Man City ka marqaati kaceen madaama City garoonkeeda ay miciyaha libaax ku leedahay 1-0 looga adkaaday!

Inkastoo kulankan xiisaha badan la filaayay in goolal badan la iska dhalin doono hadana naadiga Stoke City ayaa iska difaacday weerar walbo oo Man City kaga imaan karay waxaana kulankan qaybtii hore lagu kala nastay 0-0 balse markii la isku soo laabtay Stoke City ayaa heshay goolkii qaaliga ahaa waxaana u dhaliyay weeraryahanka reer Senegal Mame Biram Diouf oo kubada kala soo cararay meel goosha u jirto 80y-yard wuxuuna meel cidlo ah oo awood ku dheehan kaga tilaabdsay kabtan Komppany kadibna wuxuu xidigan goosha dhaliyay goolhaye Joe Hart oo aan waxba ka qaban Karin daqiiqadii 58-aad.

Kooxda Stoke City waxay gaartay guul taarikihi ah waayo 12-kulan ee ugu dambeeyay oo ay soo booqatay magaalada Manchester haka cayaarto garoonka Etihad ama garoonka Old Trafford guul daro ayay kala laabaneesay balse macalin Mark Hughes wuxuu dhigay iskoor cusub madaama ay Stoke guul kala soo laabatay magaalada Manchester!

Sidoo kale kooxda Man City iyadana guuldaradii ugu horeesay ayay xili cayaareedkan dhadhamisay madaamada labadii kulan oo ay horey u cayaartay kooxdan guuleesatay, tani waxay muujinee in xili cayaareedkan aan la sadaalin Karin EPL iyo jah wareerkiisa joogtada ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close