Kabtanka Xulka Ingiriisa Steven Gerrard ayaan rumeysneen in wiilasha uu hogaanka u yahay ee sadexda libaax aysan ku jirin liiska xulalka loo saadaalinayo iney ku guuleystaan koobka Aduunke ee bisha June 12-keeda ka bilaaban doona dalka Brazil.
Macalinka Xulka England Roy Hodgson ayaa liiska xulka qaranka inigiriiska u badiyay da’yar aan waligood ka qeyb galin koob caalami ah, Steven ayaana taa ku tilmaamay dhabar jab weyn.
Kabtan Gerrard oo nasiib xumo waayay inuu hanto horyaalka Ingiriiska xili ciyaaredkaan, ayaa amaanay da’yarta Luke Shaw, Sterling & Ross Barkley.
33-jirkaan reer Liverpool ayaa aaminsan in England ay hoos ka hogaamineyso liiska xulalka loo saadalinayo koobka Aduunka, balse wuxuu sheegay iney sameyn doonaan wax walba.
“Waa doqonimo saa’id ah iyo qibrad la’aan inaan u istaagno Brazil inagoo leh waxaan qaadeynaa koobka Aduunka” ayuu Gerrard ugu waramay BBC, “Waxaan kaliya hubaa inaan aadi doono halkaas isla markaan aan dadaali doono 100%”
“Waxaa jira wadamo badan oo sareeya, kuwaas oo ku dagaalami doono koobka, balse anaga waxaan sameyn doonaa isku day iyo inaan isla shaqeyno, shaqo adag qabano, isla markaana isku dayno inaan cadeyno dhibka shakiga na galiyay”
Xulka England ayaa kulanka ugu horeeya la ciyaari doona Italy, 14-ka June, iyagoo sidoo kale ku group ah Uruguay iyo Costa Rica.
c kariim Qalinle
May 19, 2014 at 6:26 PM
Waa hadal maldahan oon dhib ah in la fahmo viva captain Gerard