Home » Maxaa Cusub » Steven Gerrard Oo Ka Hadlay Xidiga Mudan Inuu ka Badalo Hogaanka Xulka Ingiriiska

Steven Gerrard Oo Ka Hadlay Xidiga Mudan Inuu ka Badalo Hogaanka Xulka Ingiriiska


rooney1024_2788217

Kabtankii hore Xulka England Steven Gerrard ayaan aaminsaneen in hogaanka England u baahan yahay tartan badan, kadib markii ay soo baxeen warar kala duwan oo shaacinaya in shan xidig midkood loo magacaabi doono hogaanka Xulka Sadexda libaax kadib howlgabnimadiisa.

Kabtan Fantastic ayaa shaaca ka qaaday in Wayne Rooney uu yahay shaqsiga ugu mudan inuu ka badalo hogaanka Xulka England iyadoo bilowgii bishaan loo magacaabay kabtanimada kooxda Manchester United.

“Ma hilmaami doono maalmaha Roy Hodgson ee England” Ayuu xidigaan ugu waramay Daily Mail.

“Roy waa inuu aaminaa Wayne Rooney, waxaan hubaa in Wayne Rooney uu leyehay qibrad qiirad ku dheehan tahay oo uu hogaan ku qaban karo” Ayuu yiri Steven.

Dhanka kale kabtan Gerrard ayaa u sheegay dadka England inuu wali yahay xidig ka tirsan Xulka England, isla markaana ka fariisashadiisa kubada cagta aysan la micno aheyn inuu iska iloobay waayahiisa qaran.

Ugu dambeyntii hadlka Gerrard ayaa kusoo aadaya xili Jose Mourinho uu Gary Cahil ku tilmaamay shaqsiga Mudan in loo dhiibo hogaanka Xulka England.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


4 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Steven Gerrard Oo Ka Hadlay Xidiga Mudan Inuu ka Badalo Hogaanka Xulka Ingiriiska

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close