Steven Gerrard waa kabtanka xulka England iyo naadiga Liverpool waanna mid ka mid ah xidigaha ugu caansan caalamka weliba wuxuu ka mid yahay cayaartooyda ay ku faanaan Premiership-ka dalka England, Steven weligiis naadi kale uma uusan cayaarin wuxuuna mustaqbalkiisa cayaareed kusoo qaatay naadiga Liverpool sanadii 1998 ayuu ka mid noqday kooxda heerka kowaad ee Liverpool ilaa haatana si joogto ah ayuu kooxdiisa ugu cayaaraa waxaa intaas usii dheer in sanadii 2003 uu la wareegay kabtanimada Reds sidaa darteed mudo 10-sano ah ayuu Liverpool kabtan u yahay!
32-jirkan wuxuu guursaday gabadhada lagu magacaabo Alex Curran labadan lamaane sanado farabadan ayay isla nool yihiin waxaana u joogaan sedex gabdhood oo lagu magacaabo Lilly-Ella (8-jir ah) Lexia (6-jir) iyo Lourdes (1-sano iyo labo bilood) Steven Gerrard saaxiibtiis Alex Gerrard waa gabar Photo Modelista ah sidoo kale waxay maqaal ku qortaa wargeska caanka Daily Mirror ayadoo kaga hadasho arimaha Fashion-ka. Labadan lamaane waxay si rasmi ah isku guursadeen 16 June 2007 waxayna dagan yihiin xaafada Formby ee ka tirsan Merseyside (Liverpool).
Steven ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin jecel la joogista reerkiisa waayo inta badan lagama waayo gurigiisa wuxuuna ku caan baxay inuu xilayada fasaxiisa la qaato sedexdiisa gabdhood iyo hooyadood, sanadii 2008 xili uu Steven ku maqnaa safar asigoo kooxdiisa Liverpool raacay ayaa waxaa gurigiisa soo weerareen 4-nin oo wajiga maasgaro soo gashteen waxayna gurigiisa ka qaateen saacad qurux badan oo ay usoo iibisay xaaskiisa Alex sacaadaas waxaa lagu sheegay qiimaheeda 10,000 waxayna Alex sacadaan hadiyad ahaan ugu keentay saaxiibkeed Steven balse ma uusan calfanin markii ay tuugada gurigiisa soo weerarayeen Alex goob joog ayay ahayd balse wax dhibaato ah uma aysan geesanin madaama ay qaylisay, wixii markaas ka dambeesay Steven ilaalo gaar ah ayuu gurigiisa u sameeyay!
Steven intii uu kubada cagta kusoo jiray wuxuu kooxdiisa la gaaray guulo taariikhi ah koobabka uu la qaaday Liverpool waxaa ka mid ah 2-FA Cups, 3-League Cups, 2-Community Shields, 1-Champions League, 1-UEFA Cup, iyo 2-Super Cups, Steven koobka kaliya ee ka dhiman ayaa ah Premiership-ka wuxuuna sheegay inta uu kubada cagta kusii jiro inuu ku dadaalui dadaadli doono sidii uu koobkan kula qaadi lahaa.