Home » Horyaalada » Bundesliga » Steven Gerard Iyo 20-Xidig Oo Isaga La Mid ah Kuwaas Oo Aan Horyaal Qaadin Waligood!

Steven Gerard Iyo 20-Xidig Oo Isaga La Mid ah Kuwaas Oo Aan Horyaal Qaadin Waligood!


Steven Gerard

Steven Gerard wuxuu kusii dhawaanaa da’dii cayaaraha looga fariisan lahaa haatan waa 34-jir sidoo kalena waaya aragan dalka England maga iyo mansabka ku leh wuxuu xagaagan ku sigtay inuu markii ugu horeesay ku guuleesto Premiership-ka balse nasiib daro uma suura galin sidaa darteed waxaan idiin heynaa 20-xidig oo ruug cadaa Gerard la mid ah kuwaas oo aan nasiib u yeelanin hanashada horyaal, waxaa naga xasuusin ah in qaarkood xidigahaas ay haatan horyaalka England ku sugan yihiin halka qaar kalena ay hoyaalada kale ka cayaaraan, weliba d’a kuma xirno balse waxay liiskan kusoo galeen inay caan yihiin ama u qalmeen hanashada horyaalka, waxayna xidigahaas kala yihiin

Gareth Bale

Gareth Bale (Real Madrid): dhawaan ayuu Real Madrid copa del rey kula guuleestay

Marco Reus

Marco Reus (Dortmund): weli koob muhiim ah kuma uusan guuleesanin.

Juan Mata

Juan Mata (Man United): Copa dely Rey ayuu Valencia la qaaday sidoo kalena Chelsea FA Cup, Champions League iyo Europa League ayuu kula guuleestay.

Oscar

Oscar (Chelsea): naadiga Internacional labo koob ayuu la qaaday sidoo kalena Chelsea Europa League ayuu la hantay.

Daniele De Rossi

Daniele De Rossi (AS Roma): 13-sano ayuu Roma ka tirsan balse weli horyaal lama qaadin! wuxuuna kaalinta 2-aad Roma la galay 6-jeer oo kala duwan haatana waa 31-jir!

Aaron Ramsey

Aaron Ramsey (Arsenal): maalmo ka hor ayuu ku guuleestay koobkiisii ugu horeeyay.

Giuseppe Rossi

Giuseppe Rossi (Fiorentina): marnaba Man United horyaal lama qaadin waayo xili walbo amaa ah ayaa lagu diri jiray sidoo kalena Villareal iyo Fiorentina iskama dhaaf inuu horyaal la qaado!

Marek Hamsik

Marek Hamsik (Napoli): mudo 7-sano ah ayuu Napolika tirsan wuxuuna kula guuleestay 2-Copa Italia.

Kevin Strootman

Kevin Strootman (Roma): waqti wanaagsan ayuu PSV lasoo qaatay balse weli wax horyaal ah kuma guuleesanin haatana Roma ayuu ka tirsan yahay.

Hugo Lloris

Hugo Lloris (Tottenham): sanadii 2008 ayuu Lyon waana marki kooxda reer France waayiheedii quruxda badnaa uu dhamaaday haatana Tottenham ayuu ka tirsan yahay!

Santi Cazorla

Santi Cazorla (Arsenal): maalmo ka hor ayuu ku guuleestay koobkiisii ugu horeeyay dhanka naadiyada mudo 10-sano kadib horeyna kooxaha Villareal iyo Malaga ayuu ka tirsanaa horyaalna waligiis maba arag!

Adam Lallana

Adam Lallana (Southampton): waa xidig soo baxaayo sidoo kalena mustaqbal wanaagsan leh balse weli horyaal ma qaadin.

Laurent Koscielny

Laurent Koscielny (Arsenal): maalmo ka hor ayuu Arsenal koob la qaaday balse weli daafacan awooda badan wax horyaal ah kuma guuleesanin.

Pierre-Emerick Aubameyang

Pierre-Emerick Aubameyang (Dortmund): 24-jira reer Gabob weli ax horyaal ah kuma guma guuleesanin.

Miralem Pjanic

Miralem Pjanic (Roma): 24-jirka reer Bosnia weli horyaal kuma guuleesanin wuxuuna horey ugu soo cayaaray naadiga Lyon.

Mehdi Benatia

Mehdi Benatia (Roma): waa daafac awood badan balse weli horyaal ma qaadin.

Pepe Reina

Pepe Reina (Napoli): 31-jirkan isagana horyaal ma calfanin wuxuuna horey ugu soo cayaaray Villareal iyo Liverpool haatana Napoli ayuu maaah kula joogaa.

Per Mertesacker

Per Mertesacker (Arsenal): daafaca reer Jarmal sanadii 2008 ayuu kaalinta 2-aad Bremen la galay balse weli wax horyaal ah ma uusan qaadin.

Isco

Isco (Real Madrid): inkastoo uu dhalin yar yahay hadana weli wax horyaal ah Isco ma qaadin.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close