Sida ay baahisay majaladda SPORT la yiraahdo ee kasoo baxda gobolka Catalunya maanta oo jimco ah kooxda Barcelona ayaa kusoo biirtay tartanka Angel Di Maria.
Khamisitii ayey aheyd markii Carlo Ancelotti uu shaaciyay in Di Maria uu weydiistay inuu ka tago kooxda ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, xili ay ku raad joogaan kooxaha Manchester iyo Paris Saint Germain, hadana Barcelona ayaa dhinaceeda ka xiiseyneysa xidigaan reer Argentina.
Sida ay cadeyneyso SPORT, kooxda Bulgarana ayaa xidigaan ku dooneysa 60 Malyan Oo Euro, balse kooxda Los Blancos ayaa soo diiday dalabka kooxda ay cadawtinimada kubada cagta ka dhaxeyso.
Sidoo kale Barcelona ayaa u muuqaneysa iney ganaax 12 bilood ah kala kulmeyso suuqa kala iibsiga kadib markii ay ku xad gudubtay sharciga FIFA ee da’yarta, waxeyna isku dayeysaa iney hubkeeda sii aruursato.
Ugu dmabeyntii Angel Di Maria kuma biiri doono Barcelona, wargeysyka gobolka ayaana qiray in kooxda Los Blancos aysan u ogolaan doonin xidigaan inuu yimaado Camp Nou.
Profile