Home » Horyaalada » Bundesliga » Siyaasiyiinta Aduunka Ugu Caansan Iyo Kooxaha Ay Taageeraan Maxaa Kala Socotaa?

Siyaasiyiinta Aduunka Ugu Caansan Iyo Kooxaha Ay Taageeraan Maxaa Kala Socotaa?


Obama

Inkastoo siyaasiyiinta caalamka ugu caansan ay hawlo badan ku mashquulsan yihiin sidoo kalena laga rab agaasina iyo ka warqabida hawlaha guud ee wadan walbo hadana waxaan idiin heynaa hogaamiyaasha aduunka ugu caansan iyo kooxaha ay taageero u yihiin tani waxay ka dhigan tahay in siyaasiyiinta aduunka xitaa ay kubada cagta ku lug leeyihiin oo ay shaqsiyaadka caadiga ah kala mid yihiin u sacab tumida kooxaha ay jecel yihiin, hadaba hoos kaga bogo sheekadan xiisaha badan oo la xariirto siyaasiyiinta aduunka ugu caansan iyo kooxaha ay taageeraan:

David Cameron (Ra’iisal wasaaraha dalka Britain): wuxuu taageero u yahay naadiga Aston Villa

Silvio Berlusconi (Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga): waa milkiilaha kooxda AC Milan.

Angela Merkel (Ra’iisal wasaaraha dalka Jarmalka): waxay taageertaa naadiga heerka 2-aad ee lagu magacaabo Energie Cottbus.

Francois Hollande (madaxweynaha dalka France): wuxuu taageero u yahay naadiga AS Monaco.

Vladimir Putin (madaxweynaha dalka Russia): wuxuu taageero weyn u yahay naadiga Zenit.

Barack Obama (madaxweynaha dalka Mareekanka): wuxuu taageero u yahay naadiga West Ham tan iyo sanadii 2003.

Mariano Rajoy (Ra’iisal wasaaraha dalka Spain): wuxuu taageero weyn u yahay Real Madrid wuxuuna dhawaan masuulkan wargeska AS u sheegay inuu mudo 25-sano ah taageero u yahay Real Madrid!

Cristina Kirchner (madaxweynaha dalka Argentina): haweenayday waxay madaxda u ah Argentina waxay taageero u tahay naadiga lagu magacaabo Club de Gimnasia y Esgrima La Plata madaama ay ku dhalatay magaalada La Plata.

Luiz Inacio Lula Da Silva (madaxweynihii hore ee dalka Brazil): wuxuu taageero u yahay naadiga Corinthians.

Gordon Brown (Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Britain): wuxuu taageero u yahay naadiga Blackburn.

Enrico Letta (Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga): wuxuu taageero u yahay AC Milan.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close