Home » Horyaalada » Bundesliga » Sir Ku Aadan Line Up-ka Jarmalka Oo La Helay Cayaarta Ay la Cayaari Doonaan Portugal

Sir Ku Aadan Line Up-ka Jarmalka Oo La Helay Cayaarta Ay la Cayaari Doonaan Portugal


Germany

Tababare Joachim Low wuxuu ku dadaalay inuu saxaafada la wadaagin xogtiisa gaar ka ah ee ku aadan diyaar garowga ay ugu jiraan koobka aduuna balse saxaafada oo xeelado kala duwan adeegsaneyso ayaa heshay Line Up-ka uu tababaraha xulka Jarmalka lasoo shirtagi doono kulanka ay xulkan la cayaari doonaan dhigooda Portugal kulankooda ugu horeeyo koobka aduunka Isniinta nagu soo fool leh waxaa la ogaaday in macalin Low uu kasloonida kala laabtay Mesut Ozil sidoo kalena kabtan Philipp Lahm uu ka cayaarsiin doono khadka dhexe sidaa darteed 11-ka xidig ee uu macalin waaya araga ah Isniin lasoo shirtagi doono Ozil qayb kama noqon doono.

Macalin Low ayaa cayaari doono shaxda 4-3-3 sidoo kalena Lukas Podolski ayaa la sheegay in cayaarta Portugal lagu soo bilaabi doono madaama Marco Reus oo dhaawac tartankan ku seegi doono, hadaba hoos kaga bogo Line Up-ka ay Jarmalka Isniinta kaga hor tagi doonaan xulka Portugal:

Goolhaye: Manuel Neuer

Daaafaca: Mats Hummels, Per Mertsacker, Jeroeme Boateng, Benedikt Howedes

Khadka dhexe: Sami Khedira, Philipp Lahm, Toni Kroos

Weerarka: Thomas Muller, Lukas Podolski, Andrea Schurrle


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close