Home » Maxaa Cusub » Silvio Berlusconi “Waa Yaab Waa Kuma Kooxda Diyaarka U Ah Inay Balotelli Naga Iibsato!!”

Silvio Berlusconi “Waa Yaab Waa Kuma Kooxda Diyaarka U Ah Inay Balotelli Naga Iibsato!!”


berlusconi-media490ai_11

Milkiilaha kooxda AC Milan Silvio Berlusconi ayaa sheegay inuu ka cabsi qabo in haatan uu waayo koox ka iibsato Mario Baloteli kadib markii uu xidigan ku fashilmay inuu qaab cayaareed wanaagsan kasoo bandhigo koobka aduunka, wuxuuna Berlusconi sheegay ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabay in kooxdiisa Milan ay dalabyo wanaagsan kasoo gaareen kooxaha Premiership-ka sidoo kalena ay qarka u saarnaayeen inay Super Mario lacag fiican ku helaan balse masuulkan ayaa hada qirtay in wax walbo ay isbadaleen wuxuuna yiri “inkastoo xulka Italy koobka aduunka ka hareen anigana qasaaro xoogan ayaa isoo gaartay waayo ma jirto koox haatan naga iibsaneyso Balotelli kadib markii uu koobka aduunka ku fashilmay!

Silvio Berlusconi oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabanin kooxo badan oo England ka dhisan ayaa dalabyo aad u wanaagsna nasoo garsiiyeen balse nasiib daro fool xumadii uu Mario kasoo bandhigay koobka aduunka ayaa sababtay in haatan koox naga iibsato aan weyn sidaa darteed waxaan a casbi qabaa inuu baaqi nagu sii ahaado marba hadii aysan jirin koox diyaar u ah inay naga iibsato!”


Close