Xulka Brazil ayaa usoo baxay wareega 4 dhamaadka ee koobka adduunka kadib markii ay 2-1 uga adkaadeen xulka Colombia.
Xulka Brazil ayaa usoo baxay 4 dhamaadka koobka adduunka kadib markii ay 2-1 uga awood roonadeen xulka Colombia ciyaar xiiso badneed oo ku dhexmartey gigida Estadio Castelao iyadoo labada xul ay ahaayeen kuwa ay kujirtey feejignaan waxaana daqiiqadii 7 xulka Brazil u suurtagashey in hogaanka ciyaarta qabtaan waxaana koorno uu soo tuurey Neymar shabaqa ku hubsadey kabtanka xulka Brazil Thiago Silva.
Xulka Colombia ayaa isku dayey in ay iska soo gudaan goolkii lagu lahaa ayagoo iska qasaariyey fursado badan waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastey 1-0 oo ay hogaanka ku hayeen xulka martigalinaya koobka adduunka ee Brazil.
Markii dib la isugu soo laabtey qeybtii dambe ee ciyaarta ayey labada xul muujiyeen dadaalo dheeraad ah iyadoo xulka Colombia ay cadaadis saarayeen difaacyada xulka Brazil si ay isaga soo aaraan goolkii lagu lahaa laakiin waxaa niyada ka jabiyey xulka Colombia ciyaaryahan David Luiz oo xulkiisa u dheereeyey hogaankii ciyaarta isagoo laad xor ah shabaqa cuskiyey ciyaartana ka dhigey 2-0 oo ay hogaanka ku qabteen xulka Brazil.
Xulka Colombia ayaa waxaa u suurta gasheydaqiiqadii 80 in ay gool soo ceshtaan waxaana gool kulaad u dhaliyey laacibkooda James Rodriguez iyadoo wixii intaa ka dambeeyey xulka Colombia ay saarayeen cadaadis weyn daafaca xulka Brazil iyagoo iska khasaariyey fursado ay ku bar bareen kareen xulka Brazil.
Xilligii loogu tala galey ciyaarta waxey ku soo idlaatey 2-1 oo ay guusha ku raacdey xulka Brazil oo sidaasi ugu soo gubey wareega 4 dhamaadka ee koobka adduunka waxaana xulka Colombia ay isaga hareen koobka adduunka iyagoo soo bandhigey ciyaar aad loo jecleystey waxaana koobka adduunka laga weyn doonaa laacibka xulka Colombia James Rodriguez kaas oo ahaa xidigii koobka adduunka intii uu socdey isagoo dhaliyey 6 gool waana ciyaaryahanka hogaaminaya gool dhalinta koobka adduunka. Wuxuuna fooda dari doonaa Xulka Germany oo isna soo gudbay
Profile