Kooxda Arsenal xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday kaalinta 3-aad ayay horyaalka England ka gashay waxayna ku guuleesatay tartanka FA Cup-ka.
Xagaagan macalin Wenger wuxuu doonayaa inuu kooxdiisa awood ahaan sii xoojiyo una soo iibiyo xidigo tayada Arsenal sare usii qaadi karaan.
Sidaa dartees Arsenal waxay haatan ku guuleesan rabtaa saxiixa goolhaye Petr Cech oo awood dheeraad ah kooxdan kusoo kordhin karo dhanka daafaca.
Sidoo kalena xidigo kale ayaa u calaameesan inay Arsenal xagaagan lasoo saxiixato hadaba siduu noqon doonaa Line Up-ka kooxdan xili cayaareedka dambe:
Goolhaye: Petr Cech
Daafaca: Per Mertesacker, Laurent Koscielny, Hector Bellerin, Nacho Monreal
Khadka dhexe: Jack Wilshere, Aaron Ramsey, Mesut Ozil
Weerarka: Alexis Sanchez, Julian Draxler, Karim Benzema