Home » Europe » Champions League » Sidee Loo Bixin Doonaa Abaalmarinta Kabta Dahabka Gooldhalinta Yurub? Ma Suarez Mise CR7

Sidee Loo Bixin Doonaa Abaalmarinta Kabta Dahabka Gooldhalinta Yurub? Ma Suarez Mise CR7


Hero

Kadib markii La Ligaha Spain uu soo gaba gaboobay sidoo kalena Cristiano Ronaldo uusan ka qayb qaadanin kulankii ugu dambeeyay oo ay Real Madrid cayaartay horyaalka Spain waxaa haatan xaqiiqo noqotay in CR7 iyo Luis Suarez ay si wadajir ah u hanteen kabaha dahabka qaarada Yurub madaama ay yihiin labada xidig ee ugu goolasha badan horyaalada Yurub ugu caansan, sidoo kale Suarez ayaa xili cayaareedkan dadaal dheeri ah muujiyay madama uu gool dhalinta horyaalka England ku guuleestay halka Ronaldo uu isagana dhankiisa gool dhalinta La Ligaha Spain hantay.

Suarez iyo Ronaldo ayaana loo aqoonsaday inay haatan yihiin labada gool dhaliye ee Yurub u wanaagsan dabcan xidig walbo kabtiisa dahabka ah ayuu qaadan doonaa, sanadkan waxaa abaal marinan qaaliga ah gafay Lionel Messi oo gaabis ku yimid goolashii uu dhalin jiray waxaana asiibeen xili cayaareedkan dhaawaco kala duwan balse dadaal dheeraad ah ayuu muujiyay madaama Ronaldo uusan goolal badan kaga qaadin kabaha dahabka sidoo kale Diego Costa ayaa isna xili cayaareedkan dadaal dheeraad ah sameeyay madaama uu kooxdiisa Atletico u dhaliyay 27-gool wuxuuna muujiyay inuu yahya gool dhaliye si wanaagsan la isugu haleen karo.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close