Ma sahlano in xidigaha aduunka ugu wanaagsan hal goob la isugu keeno balse shirkada caanka ah Pepsi ayaa ku guuleesatay inay hal shaqo ka wada dhaxeysiso qaar ka mid ah xidigaha xiligan ugu wanaagsan caalamka sida Lionel Messi, Jack Wilshere, Robin van Persie, David Luiz iyo Sergio Aguero waxayna laacibiintaan soo bandhigaayeen shirkada Pepsi iyo sida ay kubada cagta ugu lug lahaan doonto sanadkan 2014, xidigahan oo wada shaqeyn la leh shirkada Pepsi ayaa go’aansadeen inay barnaamijkan soo bandhigaan xili ay hawlo badan sugayeen balse lacagaha ay ka heli doonaan shirkada Pepsi ayaa sababtay in xidig walbo uu ka qayb qaato soo bandhiga naadiga magaca Pepsi wax ku xayeysiin doonaan sanadkan 2014.
Hadaba bandhigan ayaa sidoo kale daaha looga qaaday naadiga loogu magac daray (Pepsi Team 2014) waxayna kooxdan ka kooban tahay xidigaha kala ah: David Luiz, Vincent Kompany, Sergio Ramos, Jack Wilshere, Sergio Aguero, Robin Van Persie iyo Lionel Messi naadigan ayaa heli doonaan lacago badan madaama ay sameyn doonaan xayeysiino kala duwan inta lagu guda jiro sanadkan gaar ahaan tartanka koobka aduunka ee lagu qaban doono dalka Brazil ayay xidigahan lacago badan ka kasban doonaan madaama shirkada Pepsi ay ka mid tahay shirkadaha waa weyn ee World Cup gacan ka geysan doonaan habsima u socodkiisa.