Naadiga Sheffield United waxay dhawaan iska fasaxday oo ay qandaraaskiisa nasaqday weeraryahanka lagu magacaabo Marlon King mana la filaayo in xidigan uu xirfadiisa cayaareed ku shaqeyn doono goor dhow waayo sedex jeer oo kala duwan ayuu xabsi muteestay sidaa darteed Marlon King magaciisa waa hubaal inuusan ehel usii ahaan doonin kubada cagta, weliba The Guardian wuxuu sheegay in xidigan mudo 18-bilood uu xabsi ku qaadan doono madaama uu shil baabuur uu galay asigoo ku waday gaarigiisa xadkii loogu tala galay mid ka baxsan sidoo kalena King oo horey ugu cayaari jiray naadiga Hull City labo jeer oo kale ayuu xabsi galay mar waxaa lagu eedeeyay xatooyo halka markalena lagu eedeeyay inuu gabar 20-jir ah oo ardayad ah inuu faraxumeyn kula kacay!
Hadaba waxaan idiin soo xulnay taariikh ahan 10-cayaaryahan oo la mid ah Marlon King kuwaas oo noloshooda xabsi kusoo qaateen, fadlan hoos kaga bogo:
Breno (Barzil/Bayern Munich): September 2011, ayaa daaafacan magaalada Munich lagu xiray kadib markii uu gabi ahaanba gubtay gurugiisii waxaana laga helay aqalkiisii alaadada arson ee wax gubto waxaana lag xukumay sedex sano oo xarig ah ugu dambeyntii August 2013 ayaa lasoo daayay! haatana dhalinta yar ee Bayern ayuu macalin u yahay.
Lee Hughes (West Bromwich): November 2003 Hughes shil culus ayuu galay asigoo watay gaarigiisii Marcedes wuxuuna ka baxay wadada asigoo ku dhacay gaari kale taasi oo sababtay inuu qof shacab ah ku dhinto shilkaas, balse Hughes goobta ayuu isaga cararay markii lasoo qabtay xidigan waxaa lagu xukumay 6-sano inkastoo uu mudo 3-sano ah xabsiga ku qaatay haatana wuxu ka tirsan yahay naadiga Forest Green Rovers.
Joey Barton (Man City): waa shaqsiga ugu muranka badan dadka kubada cagta ku aftirsado marka laga hadlaayo balse May 2008 Barton wixii uu sameeyay ilaa haatan lama iloobi karo waayo cunug dhalin yar ayuu afka ka tumay asigoo ugu yaraan 20-feer ah kala dhacay xili ay maqaayad laga cunteeyo isku af dhaafeen falkan naxdinta badan ayaa sababay in lagu ganaaxo Barton sidoo kalena 77-cisho ayuu xabsi kusoo qaatay!
Duncan Ferguson (Rangers): waxaa lagu tilmaamaa marka qaar nin waalan waayo falalkii uu sameenayo isaga xitaa isma ogo waxaana la iloobi karin in 1994 asigoo garoonka ku jiro uu madaxiisa si xun ugu hirtiyay daafacii la oran jiray John McStay wuxuuna falkaas ku muteestay 3-bilood oo xarig ah, balse waxaa la yaab ah in falkaas xitaa calaamad jaale ah lagu siinin galabkaas!
Jan Molby (Liverpool): Xidigii hore ee Liverpool khadka dhexe kaga cayaari jiray isagana sanadii 1989 xarig 3-bilood ah ayuu muteestay kadib markii uu shil baabuur uu isaga qalad ku lahaa galay wuxuuna dhameestay xarigiisa kadibna kooxdiisii ayuu dib ugu soo laabtay isla xili cayaareedkaas.
Jermaine Pennant (Birmingham): 2005 ayuu xidigan xabsi galay kadib markii la qabtay asigoo qamri cabsan gaarigiisa raaxada ah wato, Pennant sedex bilood oo xarig ah ayaa lagu xukumay balse 30-maalmood markii uu ku jiray ayaa lasoo daayay.
Tony Adams (Arsenal): Halyeegii hore ee Arsenal mudo dheer wuxuu cabista Alkoloda iyo qamriga ayuu caado ka dhigtay balse May 1990 ayuu fadeexad culus la kulmay kadib markii uu shil baabuur galay asigoo cabsan weliba darbiga aqalkiisa ayuu ku dhuftay gaarigiisa madaama xaadkii loogu tala galay mid ka baxsan uu gaarigiisa ku waday waxaa lagu xukumay 4-bilood oo xarig ah balse 57-cisho markii uu xabsiga ku jiray waala soo daayay Adams.
Ian Wright (Crystal Palace): Halyeeii hore ee Arsenal waayihiisii uu dhalinta yaraa markii uu ka tirsanaa naadiga Crystal Palace ayuu isna xabsiga soo dhadhamiyay qaraarkiisa waayo Wright labo baabuur ayuu lahaa balse wuxuu iska diiday ama dafiray inuu bixiyo canshuuraadkii iyo lacagihii ceymiska ee laga rabay ugu dambeyntii Wright waa lasoo qabtay waxaana laga qaaday lacagihii laga rabay sidoo kalena 14-cisho oo xabsi ay ayuu soo liqay!
George Best (Man United): Halyeegii Man United ee geeriyooday sanadii 1984 ayuu xasbiga galay inkastoo markaas uu cayaaraha ka fariistay hadana Best waxaa qabteen Booliska asigoo gaarigiisa xawaaro xad dhaaf ah ku wado madaama uu cabsanaa sidoo kalena booliskii ayuu la dagaalay taasina waxay keentay in xabsiga loo taxaabo.
Rene Higuita (Colombia): Ma jiro shaqsi ka dambi culus goolhayihii xulka Colombia waayo wuxuu ku lug yeeshay falal burcadnimo ah waxaana la wada xasuustaa in sanadii 1994 ayuu koobkii aduunka kaga maqnaaday madaama la xukumay kadib markii uu ku lug yeeshay fal afduub ah oo ay soo agaasimeen burcadii Colombia ugu caansadeen ee xiligaas ka ganacsan jirtay daroogada! Sidoo kale mar labaad wuxuu ku lug yeeshay Rene Higuita falkale asigoo shaqsi ahaantiisa afduubay gabar uu dhalay nin isaga ka ganacsan jiray daroogada oo ay xifaaltami jireen kadib markii falkaas marqaatiyaal loo helay waxaa Rene Higuita lagu xukumay 7-bilood oo xarig ah!