Home » Horyaalada » La liga » Sheeko Xiiso Badan: Tababare Carlo Ancelotti Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)

Sheeko Xiiso Badan: Tababare Carlo Ancelotti Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)


ancelotti-porodica

Tababare Carlo Ancelotti waa shaqsigii Real Madrid u suura galiyay inay hanato La Decima oo ay mudo dheer ku riyooneesay haatana waa macalink ugu guulaha badan koobka horyaalada Yurub madaama uu 3-jeer tartankan qiimaha badan ku guuleestay, balsemaanta waxaan idiin heynaa macalinka reer Talyaani iyo noloshiisa gaarka ah, sidaa darteed noloshiisa gaarka ah marxalad kala duwan ayay soo martay waxaana hubaal ah inay idiin xiiso galin doonto fadlan hoos kaga bogo:

Ancelott iyo gabadhiisa Katia oo baar ka wada qadeenayaan!

Carlo Ancelotti xiriirkiisii jaceel ee ugu horeeyay wuxuu la wadaagay gabadha lagu magacaabo Luisa Gibellini waxayna aqal galeen 30-sano ka hor labadan lamaane gabadhooda curuda ah waxaa laga magacaabaa Katia waa 30-jir halka wiilkooda isna lagu magacaabo Davide oo 24-jir ah haatana wuxuu ka mid ah shaqsiyaadka Real Madrid kala shaqeeyo aabihiis asigoo u qaabilsan la talinta dhanka maskaxda cayaartooyda iyo sidoo kale jirdhiska ayuu Madrid u qaabilsan yahay.

Nasiib daro Ancelotti  iyo Luisa Gibellini ayaa go’aansadeen inay gabi ahaanba xiriirkooda soo afjaraan madaama ay waxyaabo badan isku fahmi waayeen, balse Ancelotti ayaa durbadiisa nololo cusub abuurtay wuxuuna shaaca ka qaaday saaxiibtiisa cusub markii uu Chelsea macalin u ahaa waxaana la sheegay gabadha lagu magacaabo Marina Cretu oo isaga 13-sano ka yar inuu haweenka kale ka dhex doortay.

Carlo Ancelotti and Marina Cetu

Laakiin xiriirkooda masii waarin inkastoo labadan lamaane ay magaalada Paris usoo wada guureen sidoo kalena markii uu kooxda PSG macalinka u ahaa ay Marina Cretu garab taagneed hadana ugu dambeyntii xiriirkooda bur bur ayuu ku dhamaday inkastoo mid walbo midka kale uu eeda dusha kaga tuuray!

Carlo Ancelotti bilawgii xili cayaareedkan waxaa si rasmi ah loogi dhiibay hogaanka Real Madrid isla maalintaas taageerayaasha Real wuxuu baray kuna wargaliyay inuu leeyahay saaxiib cusub dabcan waa gabar reer Canada ah laguna magacaabo Mariann Barrena waa 43-sano jir shaqadeeduna tahay dhanka suuq geynta ganacsiga waxeyna heesataa shahaada MBA sidoo kalena waxay heesataa Ph.D., ayadoo ku taqasustay maal gashiga iyo ilaalinta ganacsiga.

Mariann Barrena iyada sida Ancelotti oo kale waa haweyn ay seygeeda kala tageen waxayna heesataa gabar qurux badan oo lagu magacaabo Chloe sida aad sawirka ka dheehan kartid waa Ancelotti, Mariann Barrena iyo gabadheeda Chloe haatana waxay ku wada nool yihiin magaalada Madrid.

Carlo


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close