Home » Horyaalada » Bundesliga » Sheeko Xiiso Badan: Kooxaha Dortmund Iyo Roma Oo Isdhaafsan Doonaan Labo Xidig Oo Tayo Wanaagsan

Sheeko Xiiso Badan: Kooxaha Dortmund Iyo Roma Oo Isdhaafsan Doonaan Labo Xidig Oo Tayo Wanaagsan


logo-as-roma

Kooxaha Dortmund iyo Roma oo xili cayaareeda nagu soo fool leh ka qayb qaadan doonaan koobka horyaalada Yurub ayaa bilaabeen ina ka wada hadlaan qaabkii ay isku dhaafsan lahaayeen qaar ka mid ah xidigahooda labadan naadi oo xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo ayaa kulan wada qaadan doonaan maal maha nagu soo fool leh waxayna ka wada hadli doonaan qaabkii ay isku dhaafsan lahaayeen xidigaha kala ah Adem Ljajic oo Roma weerarka kaga cayaaro iyo Pierre-Emerick Aubameyang, kooxda Dortmund ayaa dhigeeda Roma ka dalbatay in Ljajic lagu wareejiyo kadib markii ay kooxda reer Talyaani soo dalbatay weeraryahanka reer Gabon oo lagu tilmaamo laacibka aduunka ugu orodka badan.

Kooxda Dortmund waxay ku dooneysaa Aubameyang €18m madaama xidigan uusan rabin inuu Bundesligaha Jarmalka baaqi kusii ahaado waxayna Dortmund xidigan sanadkii hore kusoo iibsatay €13m sidaa darteed Roma oo aan rabin inay si toos ah lacagahaan faraha badan u bixiso ayaa dhigeeda Dortmund u sheegtay inay ku wareejin doonto Adem Ljajic oo isagana aan ku faraxsaneyn nolosha uu ku qaadanaayo caasimada dalka Talyaaniga wuxuuna xidigan u dhashay dalk Serbia isaga soo tagay naadiga Fiorentina xili cayaareedkii hore waxaana Aubameyang si gaar ah u xiiseenayo tababaraha kooxda Roma Rudi Garcia oo xidigan aqoon dheer u leh madaama ay wada joogi jireen Ligie 1 France waxaana la sheegay in dabyaaqada todobaadkan ay labadan kooxka wada hadli doonaan sidii ay labadan xidig isku dhaafsan lahaayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close